Published:

Cabdiraxman Ciro oo la Filayo in uu Kursiga Golaha Wakiilada Baneeyo Todobaadkan iyo Loolanka Kursigaasi logu Jirro oo cirka maraya

 

Odeyaal ka kala socda Baashe iyo Saleeban oo Madaxweynaha la kulmay  wakhtiyo kala duwan

 

ciroHargeysa(GNO) Guddoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo muddooyinkii u danbeyey ku sugnaa Waddanka Ingiriiska ayaa la filayaa in uu todobaadkan ku dhawaaqo banaynta Kursiga Golaha wakiilada, wararku waxay intaasi ku darayaan in Guddoomiyaha oo dalka ku soo waajahan  Maalinta Khamiista uu arrintaasi Shaacindoono.

Xildhibaanada Golaha wakiilada ayaa Maalmahan laga dareemayey Ololaha loogu jiro Buuxinta Kursiga uu ka tagayo Cabdiraxman Cirro, waxana la sheegayaa in loolan adagi uu ka dhexeyo Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad Baashe Maxamed Faarax oo doonaya in uu ku ruqaansado kursiga Guddoomiyenimada iyo Xildhibaan Saleeban Cali  Koore oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada isla markana Baashe ay ka soo wadajeedan Gobolka Sool.

Hirdanka ka dhexeya  Baashe Maxamed Faarax  iyo Saleeban Cali Koore ayaa la tilmaamaya in uu  dhaafay  Xidhibaanada dhexdooda una gudbay Madaxtooyada oo mid walba Ololihiisa ka bilaabay si uu taageero uga hello xukumada, wararku waxay tilmaamay in Odeyaal ka kala socda Baashe iyo Saleeban ay Madaxtooyada  isku shubeen kuwaasi oo wakhtiyo kala duwan la Kulmay Madaxweynaha, basle ma cada wax ay isla meel dhigeen.

Waxa xusid mudan in Baashe Maxamed Faarax oo ka mid ahaa Isbahaysiga Dimuqraadiyad doonka Kulmiye uu labba todobaad ka hor uu cadeyey in aanu wakhtigan ka tirsanay isbahaysiga isla markana uu yahay Xildhibaan Golaha wakiilada ah.

Golaha Wakiilada ayaa Sabtidii gallay fasax  Lixdan Maalmood ah waxana la saadalinayaa in marka ay xildhibaanadu ka soo noqdaan fasax uu kursiga Guddoomiya Golaha wakiilada uu fadhisan doono Guddoomiye Cusubi.

News Related