Gabileynewsonline.com
Ceeb iyo foolxumo ayaa ka soo socota komashinka qaranka somaliland gaar ahaan kuwo loo magacaabey gobolada awdal iyo salal.By maxamed jeex
January 5, 2016 - Written by admin

Ceeb iyo foolxumo ayaa ka soo socota komashinka qaranka somaliland gaar ahaan kuwo loo magacaabey gobolada awdal iyo salal.By maxamed jeex
Qabyaalada iyo ku dhaqankeeda ma jecli balse waa qeybo cudureed oo lafta iyo dhuuxa kaga jira dhaqanka ummad weynaha soomaalida ; siyaasada maanta taala iyo dhaqankuna naaxiyeen kana dhigeen halbeeg beeluhu ku kala cadqaato ; laguna xisaabtamo.
Xikmad baa waxa ay aheyd ( sida walaalaha wax isku siiya sida cadowgana u xisaabtama )
Waxa aynu qormadeenan ku ibo-furaneynaa meerisyadan murtiyeed markale.
Hebelow nin dheeraad sitoo, dhiibsan baad tahaye
Tukalaad u dhaaftaa kolkaad, dhaliso tii roone
Ummad baad xaqeedii dhammaa, dhababka saarteene Ummaddii dhiraa kala lahayd, ways dhex huruddaaye
Dhan-xiirradu haddii ay maqlaan, ways dhufanayaane Sinnaantay dhaliil moodayaan, tii Ilaah dhigaye
Inta samaha dhuxulayn kartaa, waa dhif iyo kow’e.
1) Dhibta iyo dhibaha jira:-
Sidii caadada saami qaybsiga beelaha aheyd waa habdhaqan dheeli tiran oo waafiya ; isweydiintu waxa ay tahey ; maxaa fiinta iyo ololka keeney?
a) Waxa isku hayb beel dhaw ah noqdey xubinta komishanka doorashooyinka qaranka kaga jirta gobolka Awdal oo reer nuur ah iyo xubinta loo qalqaalinayo noqoshada gudoomiyaha komishanka ee Gobolka Awdal oo reer nuur ah; maba xumaateen hadii aanu dareen jirin!! Dareenka jiraa se waxa uu yahey; reer nuur oo xisbi mucaarida ku jihaysan, isla mar ahaantaana loo badinaayo ku guuleysiga musharax jagada madaxweyne ku xigeenka xisbiga wadani.
REER NUUR OO KA DEGA GOBOLKA AWDAL TUULADA DILA MIYAA LOO DHIIBAYAA MASEERKII UMADA UGU DHULKA BALAADHAN GALBEEDKA SOMALILAND ANIGU WAXAAN QABAA WAA LUGOOYO LALA RABO DADKA DEGAANKA ISKA LEH.

b) dareen sad bursi oo ka dhan ah oo ay dareemayaan beelaha gobolku maadaama oo ay dhamaantood ku qaybsanyihiin axsaabta siyaasada.
c) goob doorashooyinka cod-bixiyayaasha oo dhan ka raran, oo goobaha sanduuqyadu uma yaalaan si miisaaman, iyadoo sababtu tahey dhito uu maamulkii daahir rayaale ka tagey; laguna saleeyey in goobaha muxaafidka la badiyo mucaaridkana la yareeyo; goobaha ugu badanina yaalaan xuduuda galbeed iyadoo goobaha badhtanka iyo bariga gobolkana ay ku yaryihiin.
2.Fursadaha jira ama la haysto:-
1.komishankii guud ee doorashooyinka qaranka iyo waaxyahoodii diwaangalinta.
2.wakhti ku filan hubsiimo, ka baara-deg magacaabis iyo go’aanka la qaadanayaa dhanka uu u ciiraayo.
3. ka shaqeysiinta halbeega miisaanka u xaqsoorida qaybaha beelaha dhanka xilalka kala sareeya ee komishanka diwaangalinta oo aan wali si rasmiya loo shaacinin.
4. in dhamaan gudoomiyayaasha gobolada iyo degmooyinka ee komishan diwaan galinta iyo cod bixintaba la isku bed-bedalo, oo gobolada la isweydaariyo , gobol aan kiisa aheyn mid walba la geeyo si musuqu u yaraado.
3. Xalka iyo maaraha haboon:-
maadaama oo beelaha samaroona u kala baxaan saddex beelood oo waaweyn .
maadaama 3 dexdan beelood ku qaybsanyihiin axsaabta siyaasada.
Maadaama oo xubinta komishanka qaranka kaga jirta gobolada Awdal iyo Salel ay tahey reer nuur – makaahiil.
BEELAHA MAXAMED CASE WAXAAN LEEYAHAY DIIDA XAQDARADA AY WADAAN DADKA TIRADA YARLEHI DIIDA DADKA TUULADA DEGANI INEY INI WAREERIYAAN WAXAAD XAQ U LEEDIHIIN CIDNA HA,U DABAFADHIISANINA.

Madaama oo ay mahuraan iyo madhaafaan tahey hirgalida , diwaangalinta dadweynaha goboladani si hufan oo nabad ah oo ka qayb qaadasho wacan leh.
Maadaama oo ay cadaalada , sinaanta muwaadiniinta iyo si nabada u wadashaqeyntu tahey tiir adag oo madhaafaan ah; waxa muhiim ah;
1. in gudoomiyaha komishanka ee gobolada galbeedka laga dhigo xubin ka soo jeeda mid ka mid ah Beelaha Maxamed Case ama Habar-Cafaan.
2. had ba 2 dan beelood mid kii loo qaato gudoomiyaha gobolka maahee xubinta gudoomiyaha degmada Borama ay noqoto beel aan aheyn ta gudoomiyaha gobolka laga dhigo.
3. in goob doorashooyinka dib loogu noqdo si cadaaladu ku jirtana loo dhigo, qaybiyo sanaaduuqda cod-bixinta doorashooyinka haddii aan sidaas la samayn waxaa dhicikarta in dhibaato ka dhacdo gobolada awdal iyo salal dadka ugu badan dhulkaasna ma yeelidonaan sidaas wax loo qaybshay weyna ka hor imandoonaan.

Haddii wax la hagaajinaayo ama wax la saxaayo ha,loo sameeyo sidan soo socota 1.Maxamed case— Samaroon—Xubinta komishanka heer qaran ee hada shaqeysa .
2.Habar cafaan—Gudoomiyaha gobolka.
3.Makahiil—Gudoomiyaha degmada borama.

Isku badelkuna uu banaanyahey; waxa foolxumo ah iyo wax indhaha laga qarsado in ay dhamaan isku noqdaan jufo kaliya amaba beel kaliya.
Gunaanad:-
Hadii la doonayo in diwaan galintu si habsamiya oo bilaa turxaana u hirgasho waa muhiim in taladan kor ku xusan la qaataa; hadii ku talagalku yahey in wax xumaadaan ; marin walba oo fawdo kicinayaa uu furanyahey.
Waxa kale oo la helaa in la isku bedalo dhamaan gudoomiyayaasha gobolada dalka oo dhan.
Dadweynaha waxa aan u soo jeedinayaa in ay kawada qaybqaataan diwaangalinta xaalad kasta oo la soo darista.

Allaa mahad leh
By maxamed jeex
Brussels

COMMENTS
Latest News