Gabileynewsonline.com
Ciidamada Somaliland oo Qabsadey Tuulada Bali Cade iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Eedo U Jeediyey Somaaliya
January 14, 2016 - Written by admin

Ciidamada Somaliland oo Qabsadey Tuulada Bali Cade iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Eedo U Jeediyey Somaaliya

Ciidamada Somaliland ayaa galay Tuulada Balli-cad oo shir uu uga socday mas’uuliyiinta maamulka Khaatumo; iyadoo aanu wax khasaare ahi ka dhicin.

Deegankan ayaa la filayay in uu maalinta berri ah ka furmo shir ay yeelanaysay maamulka Khaatumo oo aanay dhismihiisa Somaliland Ogolayn hasayeeshee ay taageerto xukuumadda Dawlada Federaalka Somalia.

Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland ayaa u sheegay warbaahinta in ciidamo ka tirsan kuwa qaranka Somaliland ay galeen gudaha Tuulada Bali Cad “Ciidamada Qaranka Somaliland waxa ay saaka ku ruqaansadeen meesha la yidhaahdo bali cad oo laga wado fadqalo, waxaanan u sheegayaa dadka deegaamadaasi in ay la shaqeeyaan ciidamadooda” ayuu yidhi.

Somalia ayuu ku eedeeyay in ay deegaamada Bariga Somaliland ka wado nabad galyo darro baaxad leh, isla markaana ay isku dayayso sidii ay faro gelin uga samayn lahayd.

COMMENTS
Latest News