Published:

Wareegay

Hargeysa(GNO)January-14-2016-Ciidamada Qaranka somaliland ayaa Fadhiisimo Cusub Ka samaystay deegaanadda  Dabataag  oo u dhow Duleedka Deegaanka Saaxdheer iyo siddoo kale deegaanadda Tuulo samakaab oo ka tirsan isla deegaankaasi .

Ciidamada Qaranka somaliland ayaa siddoo kale isku fidiyay duleedka Degaanka Balicad oo uu hadda ku sugan yahay Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo Prof . Cali Khaliif Calaydh , Wararka warbaahintu ka helayso deegaankaasi ayaa sheegaya in mudane Cali Khaliif iskaga baxay tuuladda balicad oo uu ku sugnaa kadib markii uu ka war helay inay kusoo fool leeyihiin ciidamada somaliland oo kasoo kicitimaya koonfurta gobolka sool.

Ilaa hadda ma jiro iska horimaad dhexmaray Ciidamadda Qaranka iyo Kooxda Khaatumo ee uu hogaamiyo Cali Khaliif Galaydh waxaanna ilaa hadda Ciidamadda somaliland si nabad ah ku gaadheen deegaanadda  aad ugu dhow balicad.

 

News Related