Published:

Collaado Sokeeye oo Laga Digay Inay Ka Qarxaan Somaliland, Hadii Doorashaddu Mar kale Dib-U-Dhacdo

Hargeysa(GNO)January-22-2016- 5 October 2015-Kooxda darsa colaadaha ama Dagaalada ee loo yaqaan (International Crisis Group‏) ayaa ka digay khataaro iskugu jira colaado iyo dagaalo in ay ka dhici karaan Somaliland, hadii mar kale Doorashooyinku waqtigeeda dib uga dhacaan, sidoo kale, dalka ay dilaaci karaan Colaado sokeeye. Sida waxa kooxdani ku sheegtay Warbixin Sannaadeedkoodii 2015-ka soona saareen 5 October 2015-kii.

Warbixinta Kooxdan oo ahayd mid dhinacyo badan taabaneysa, waxa ay kusoo qaateen arrimo dhawr ah, oo ay kamid yihiin Khilaafkii mudada dheer socday ee Xisbiga Kulmiye, hoos-u-dhaca habsami u socodka Dimuquraadiyadda, iyo sidoo kale, xasiloonida Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa kaloo, Khuburadan darista Colaadaha Caalamka warbixin-sannaadeedkooda kaga xog-waraameen rabshadihii ka dhashay khilaafkii soo kala dhexgalay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biix Cabdi iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Siilaanyo, kaasoo ka curtay kadib markii gudoomiye Muuse Bixi ku dhawaaqay inuu yahay Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye, tallaadabaas oo noqotay mid ka cadheysiisay Madaxweyne Siilaanyo, ayaa sida warbixinta lagu sheegay waxa gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi uu abaabulay kacdoon dhalinyaro oo lagu khalkhal gelinaayo amaanka, waxa sida warbixintu xustay kooxdan dhalinyarada ahii, isticmaaleen aallado qarxa oo shidaal ku jiro, kuwaasoo ay la bartilmaameed sadeen afafka hore ee xaruunta madaxtooyadda.

Docda kale, waxa warbixintu is-dultaagtay murankii sharci ee ka aloosmay wareejinta haamaha shidaalka Berbera, tallaabadaas oo kooxdu ku micnaysay mid Somaliland dhaxalsiin gaadhay in colaado sokeeye ka dhacaan, iyagoo arrinta fasiraya, waxa kooxdu tusaale usoo qaateen shaqaaqooyinkii ka dhacay jidadka isku xidha Berbera Hargeysa iyo Berbera Burco.

Haddaba, Warbixin sannaadeedka kooxdan oo ka koobna 24-tan Bog. Sidaa darteed qaybo kamid ah warbixinta Wargeyska Yool akhristayaasha usoo turjumay, waxa ay u dhignayd sidan. “..Somaliland waxay ku caano maashay nidaamka Xisbiyadda badan iyo dawladnimo qabiilka ku dhisan dhaqanka, isla markaana kaga soo kabatay dagaaladii xoogaanaa ee kala dambeeyey, isla markaana haysta nabadgelyo iyo ammaanka, taasoo u baahan waxoogaa dib u habayn bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Guusha uu leeyahay dhaqaale badan u keenay, oo ay ku jiraan xaalad gaar ah maalgelinta iyadoo ay deeq-bixiyeyaasha, gaar ahaan Ingiriiska, Denmark iyo Midowga Yurub (EU) iyo sidoo kale maal-ka iyo xariirkii diblomasi ee Turkiga iyo Imaaraadka Carabta ee Midoobey (UAE), inkasta oo aan caalamku aqoonsanin. Waa qayb ka mid ah nidaamka gobolka oo sii kordheysa; xidhiidho gaar ah, waxay la leeyihiin dalalka Itoobiya iyo Jabuuti. Marka la eego xaaladda nuglaanta sii kordhaysa ee ay ku sugan tahay Federaalka Soomaaliya Dowladda (Dowladda Federaalka Soomaaliya), kuwaasoo ilaa iyo hadda ku gacan-saydhay sheegashada Madaxbanaanida gobolka Waqooyi, iyo dagaalka sokeeye ee guud ahaan Gacanka Cadmeed ee Yemen.

Somaliland in ay sii xasiloonaato waa muhiim. Balse waxa ay noqonaysaa mid u baahan in lagu sameeyo dib u habaynta xoogan, iyadoo la ixtiraam hay’adaha dhexdhexaadinta (gaar ahaan garsoorka iyo Baarlamaanka). Dhinaca xasiloonidda

Inkasta oo Somaliland ay weli ka go’an tahay inay Xukuumad dimuqraadi ah tahay, balse waxa jirta cabsi isa soo taraysa oo ah dhinaca doorashada oo keeni karta khilaafka gudaha sida marka la eego dhinacyadda cadaadinta War-baahinta iyo Mucaaradka, kuwaasoo aan u adkaysan karin cadaadiska lagu hayo. Waxaa kaloo aad looga cabsi qabaa dib u dhac ku yimaada doorashooyinka oo ku astaysan inay dhacaan (March 2017), sidaas oo ah mid Xukuumaddu doonayso sida ka muuqata san-saanteeda. Waxa kaloo tan xiga dhibaato kale oo ka taagan wareejinta iyo iibinta ay dawladdu ku hayso meelaha ilaha dhaqaalaha sida dhacday dhowaan markii niman ganacsato ah oo dalka u dhashay lagu wereejiyey Haamaha Kaydka Shiidaalka tan oo dhaxalsiin gaadhay in dalka uu ka dhaco dagaal sokeeye kadib markii qabiiladda dega Berbera oo ah halka ay ku yaaliin kaydku ay qaar kamid ah oo hubaysani galeen Buuraha u dhow. Inkastoo markii dambe lagu xaliyeyey hab sulux ah. Balse waxay tusaale u noqon kartaa in xasiloonidda dalku ku xidhan tahay goobaha noocaas oo kale ah, taasoo looga baahan yahay inay Xukuumaddu ka dignaato. Haddii kale’se ay dhaxalsiinayso in la abaabulo, jabhadaha ku saleysan qabiilka oo hubaysan si ay u taageeraan ama uga soo horjeestaan horumarka dalka. Khilaafka Xisbiga KULMIYE

Iska caabinta oo gadhay heer aad u sareeya kadib markii uu Bishii 7, May. 2014 uu Gudoomiyaha Xisbi-xaakimka Muuse Biixi ku dhawaaqay in uu yahay Musharaxa Madexweyne ee Xisbiga, taasoo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” aanu jeclaysan, isla markaana kala hortegay duulaan balaadhan oo ku jiheysan sheegashadda Gudoomiye Muuse, arrintaasoo dhaxalsiisay amaan darro kadib markii Gudoomiye Muuse uu isticmaalay dhalinyaro khalkhal-gelisa amaankii, oo iyagu isticmaalay qarax shidaal oo laga tuuray afaafka hore ee xarunta Madaxtooyada iyo mudahaaraddo ka kala dhacay Magaalooyinka Boorama, Burco, Gabilay iyo Berbera. Kuwaasoo ay dawladdu u isticmaashay ciidamadda Rapid Response Unit (RRU), ka dib-na dhaxalsiisay xadhig taageerayaasha Muuse qaar ka mid ah iyo Saxaafadda xorta ah qaarkood. Hoos-u-dhac ku yimaada habsami-socodkii dimuqraadiyadda.

Inta badan dadka reer Somaliland waxa ay aaminsan yihiin doorasho lagu kalsoonaan karo inay muhiim u tahay nabada. Lix doorasho (Oo ay ku jirto tii aftidu), ayaa lagaga soo gudbay xaalado kala duwan, tan iyo intii ay dalku qaatay siyaasadda Xisbiyada badan 2001. Hawgu dambayso, sanadkii 2012 doorashadii dawladaha hoose, kadib markii Urukii Xaqsoor oo saluugsan natiijadii soo baxday dibad-baxyo rabshado wata ka dhaceen Hargeysa, Xudun (Sool), Ceerigaabo (Sanaag), Saylac iyo Lughaya (Awdal), taasoo keentay dhimasho iyo dhaawacba. Sidaas awgeed waxa had iyo goorba ay bulshadda Somaliland rumaysan tahay in doorasho xaq ah oo timaadaa ay saldhig u tahay nabad-gelyadda, balse waxay werwer weyn ka muujinayaan jilicsannata guddiga doorashoyinka xilligan jooga. Lasoco cadadka dambe.

News Related