Published:

Daami waa xaafad ka mida xaafadaha magaalada hargaysa, sida la sheego waa qadiimi oo waa hargaysadii hore. waxaa deggan dad dan yara oo duruufo badani haystaan. Waa bulsho nolol maalmeedkeeda uun hesha. Waa xaafad uu ka muuqdo Dib u dhac iyo dayac farabadani. Way ka muuqaal duwan tahay xaafaddaha kale, ee magaalada hargaysa, mana moodaysid xaafad caasimad ku taal.

Waxaa ku gadaamin bulshadan waayo badan dhismayaasha ubadani waa buulal iyo sandaqado, walow ay jiraan daaro binooyin ahi haddana way ku yaryihiin.

Dadka ka shaqa taga xaafadani ma qabtaan shaqooyin uu dhaqaale badani ka soo galo waa rayislayaal, timaha jara, halka qaar ay birta tumaan sida haamaha, girgirayaasha, qaar waa kaboolayaal, oo kabaha ayay dadka u tolaan. Dhaqaalaha yar ee ka soo galaa waa wixii uu maalintii quudanayay, oo waxba ma dheera. Dawalada iyo shirkadaha dadka u shaqeeyaa waa boqolkiiba toban iyaguna ma deggaan xaafada ee magaalada ayay dhinac kaga jiraan, waayo iyagu dhaqaale ku filan ayay haystaan, oo noloshooda way daberikarayaan, inta badan duruufta ay uga guuraan ayaa waxa ay tahay, iyaga oo kawaayay adeegyadii aas aasiga ahaa, sida biyaha guryo qurux badan oo ay kiraystaan, carruurtooda oo ay waxbarsho qaaliya u raadiyaan.

Daami malaha wadooyin dhexmara xaadadaha dhexdooda oo baabuurta iyo dadku maraan marka laga reebo wado international ah oo suuqa ka timaada oo ku dhaadhacda sheekh noor.

malaha biyo, inkasta oo ay kala mid tahay xaafado badan oo magaalada ah oo aann biyo helin, haddana dadkani malaha taangiyo ay biyaha ku kaydsadaan oo mudo haya, balse waxa ay dhaansadaan waa caagado iyo jirikaamo, maha biyo qoys kafayn kara, oo dharmaydh, cabid, iyo wax karin ugu wada filan, haddana waa karaankooda oo intas ayay awoodaan.

Xaga waxbarashada aad ayay ugu hooseeyan, oo dhalaanka xaafada deggani lama mid ahaa carruurta kale ee magaalada hargaysa, dugsi dhexe iyo maderisado qur’aan ba way ku yaalaan, way jiraan carruur dhigata haddana tiradii la rabay may gelin dugsiyada, Waalidiinta marka aad waydiiso waxa uu ilmihiisa waxbarasho ugu dariwaayay? Waxa uu kugu jawaabayaa:” canugii waxa uu iga doonaya dirays, buug, qalin, fiigii, nusasaacihii, aniguna haddaan ahay waalidkii dhalay, ma awoodi karo waxaasoo dhaan. waxa yar ee aann helaa bariiska ayuun bay u caseeyaan. Dhaqaale kalena meel igama soo galo cidna kuma tiirsanin Oo caqabada ayaa i haysta. Waxa aan baraa hadduu wiil yahay, shaqada aann anigu ka shaqeeyo, oo isku goob ayaan ka xamaalanaa.

Tijaarta dawlada, iyo dadka hantilayaasha ahi ba reer daami may dhiirigelin, oo waxba umay qabaan. Oo kaalin muuqata kamay qaadan Tanina waa cadaalad daro ka jirta waddankeena. Dawlada xaq waxa loogu leeyahay inay ka hirgeliso adeegyada aas aasiga ah sida; goobo caafimaad, goobo waxbarasho, oo badan iyo wadooyin. Inay bulshadan ka kaabto dhina waxbarashada , oo dhiiri gelin badan ay samayso, si ay u soo baxaan dad aqoon leh, oo bulshada waxtari kara, kana saari kara jahliga, waa innay umadda dhexgasho dawladu oo booqato xaafadaha iyo sida ay dadku unoolyihiin, oo ay hoos u eegto walaalohood, iyo umada ay masuulka ka tahay.

Reer daami mid baan leeyahay, waar fikira oo fadhiga ka kaca, oo waxbarta oo dadka ku soo darsama, kaalintinii way bannaan tahay, idinka ayaa hoos isu dhigay, oo xaqiinii aasay, maanta aduunyada horuumar ayaa lagu tarmatayaa, hoosaynta iska qaada oo hami sare yeesha, Isku duubnaada waxqabad na ku dhaqaaqa, cudud midaysan yeesha, markaa saamigiina iyo cadkiina waad helaysan, cidina idin kaga murmi mayso. Nimaan hadlin habartii waxba masiiso.

W/Q: Aamina Cabdilaahi Faarax

News Related