Daawo: Degmooyin-ka Qaar oo dib loogu dhigayo diiwaan galinta si dadku u wada qaataan.
Hargaysa (GNO)Komiishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa Markii u horaysay ka Jawaabay dhaliilo uga Yimid Qaar ka Mid ah Waxgaradka Gobolka Buuhoodle iyo Deegaanada Xuduudaha Bari oo ka Cabanayay in Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha aanu Komiishanka Doorashooyinku ugu talo galin inay Deegaamadooda ka qabsoonto.
Afhayeenka Guud ee Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Komishaneer Siciid Cali Muuse ayaa Tafaasiil ka bixiyey Shir ay wada yeesheen Gudidooda Iyo Xubno ka socday Xisbiyada Qaranka.