dalka Iran ayaa sii daysay 10 Askari oo ciidamada badda ee dalka maraykanka oo watay labo-doonyood kuwaasii oo maalintii salaasadii lagu qabtay biyaha dalka IRAN ka dib markii ay si qalada u soo galeen biyaha dalka iran.
Sarkaal u hadlay ciidamada dowlada IRAN ayaa sheegay inay sii dayeen ciidamadii Badda ka dib markii ay qirteen inay ku soo xadgudbeenn biyaha jamhuuriyada dalka IRAN.
Xogahayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka John Kerry ayaa tan iyo markii la qabtey ciidankan waxa uu telefoonka kula hadley dhigiisa dalka Iraan muddo shan jeer ah, waxaana uu sameeyey diblomaasiyad xoogleh si loo sii daayo askartooda.
Qaar kamid ah warbaahinta Iiraan ayaa sheegtey in John Kerry uu raaligelin ka bixiyey dhacadadaas, taas oo afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibaddu John Kirby ku tilmaamey mid aan waxba ka jirin.
Dalalka Iraan iyo Maraykanka ayaan lahayn cilaaqaad diblomaasiyadeed kadib markii Iiraan ay qabsadeen kacdoon uu hoggaaminaayo Ayatullaahi Khumeyni sanadki 1979. Sanadihii u danbeeyey waxaa jira isu soo dhawaansho Maraykanka iyo Iiraan u dhexeeya, kadib markii Iiraan heshiis la gashey dalalka awoodda dunidan ku leh. heshiiskaas oo ku saabsan barnaamijka Nukliyeerka Iran.