Hargeysa(GNO)January-17-2015- wasiirkii arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhaweeyay madaarka Hargeysa. Wasiirradii xukumadda iska casilay madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid, Cabdi Awdaahir, xildhibaanno iyo xubno tiro badan ooh ore xukumadda uga mid ahaa ayaa soo dhaweeyay Dr Maxamed Biixi Yoonis.
Hadal uu madasha ka jeediyay waxa uu sheegay in isbahaysigu wakhtigan ugu xoog badan yahay islamarkaana aanay jirin cid ka baxday iyo meel uu u digo rogtay toona, wuxuuna ku dooday in Baashe Maxamed Faarax wali ka mid yahay isbahaysiga Kulmiye, islamarkaana ay dimuqraadiyadda iyo isbedel u taagan yihiin.