Diblomaasiyiin Iiraaniyiin Ah Oo Muddo 48 Saacadood Ah Loo Qabtay Inay Kaga Baxaan Sucuudiga+Hanjabaada Aayatulle Cali Khumayni Iyo Jawaabta Wasiirka Arrimaha Dibada Sucuudiga
(GNO)-Diblomaasiyiin Iiraaniyiin Ah Oo Muddo 48 Saacadood Ah Loo Qabtay Inay Kaga Baxaan Sucuudiga+Hanjabaada Aayatulle Cali Khumayni Iyo Jawaabta Wasiirka Arrimaha Dibada Sucuudiga
Riyaadh-(SLL)-Dawladda Sucuudiga ayaa muddo 48 saacadood u qabatay inay dalkeeda kaga baxaa dublamaasiyiin u dhashay dalka Iiraan
Dawladda Sucuudiga ayaa si rasmiya ugu dhawaaqday inay dalka Sucuudiga gebi ahaanba ay ka baxaan diblomaasiyiin u dhashay dalka Iiraan.
Wasiirka arrimaha dibada dalka Sucuudiga Cadil Al Jubeir ayaa ku dhawaaqay Axaddii inay diblomaasiyiin u dhashay dalka Iiraan ay dalka Sucuudiga ka baxaan muddo 48 saacadood gudahood.
Wasiirka arrimaha dibada dalka Sucuudiga Cadil Al Jubeir ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabo kasta oo ay ku ilaalineyso amnigeeda. Waxaana uu sheegay inay diyaar u yihiin weerar kasta oo kaga yimaada dalka Iiraan.
Hasayeeshee arrintan ayaa kaddib markii Sabtidii la dilay Sheekh Nimr al-Nimr oo ah wadaad caan ah oo Shiica ah. Waxaana dab la qabadsiiyey safaaraddii Sucuudiga kulahaa dalka Iiraan.
Dhinaca kale wararka ayaa intaa waxay ku darayaan in shaqaalihii safaaraddii Sucuudiga ay immika ka degeen Dubai.
Madaxweynaha Iiraan, Xasan Ruuxaani, ayaa waxa uu dhaleeceeyay rabshadahaasi, balse waxa uu sidoo kale cambaareeyay dilka wadaadkaasi oo uu ku tilmaamay mid ka baxsan bini’aadamnimada.
Hogaamiyaha ruuxiga ee Iiraan, Aayatullaah Cali Khamani, ayaa saadaaliyay inuu dhici doono aargoosi weyn. waxaana uu si cad u sheegay inay dadka shiicadu qaadayaan tallaabo kasta oo ay ugu aargudayaan Nimr Al-Nimr.
Xidhiidhka labada dal u dhexeeya oo awalba jiitamayey ayaa haatan u muuqda mid gebi ahaanba sii xumaanaya.