Gabileynewsonline.com
Diiwaangalinta Codbixiyayaasha Oo Magaalada Burco si Rasmi ah Uga Bilaabmatay+SAWIRO
January 17, 2016 - Written by admin

Burco(GNO)January-16-2016-Magaalada Burco waxaa maanta rasmi ah uga billowday Diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha doorashada ka dhici doonta Somaliland bisha Saddexaad ee sanadka soo socda ee 2017-ka.

Aroornimadii hore ee saaka ayaa waxaa laga billaabay diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha 163-goobood oo ku yaalla guud ahaan gobolka Togdheer; iyadoo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland, C/qaadir Iimaan u sheegay BBC-da in Diiwaan-gelintu ay si wanaagsan u socoto.

Gobolka Togdheer ayaa noqday Gobolkii ugu horreeyay oo laga billaabo diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Somaliland, iyadoo Diiwaan-gelinta loogu talo-galay in min muddo hal bil ah ay ka socoto cod-bixinta lixda gobol ee Somaliland.

 

Sidoo kale, gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in la diiwaan-gelinayo dadka da’doodu ay ka weyn tahay 16-ka Sano ee Somaliland u Dhashay .

Dhanka kale, goob walba oo ka mid ah goobaha diiwaan-gelintu ka socoto ayaa waxaa ku sugan; wakiilo ka kala socda saddexda xisbi ee Somaliland – KULMIYE, WADDANI iyo UCID. Waxaa kaloo iyagana goobaha diiwaan-gelinta jooga shaqaale ka kooban ardayda Jaamacadaha iyo ciidanka ammaanka, iyadoo qof kasta laga qaadaya faraha iyo Sawirrada indhaha; iyadoo la isticmaalayo qalab casri ah oo koombiyuutar ka.

COMMENTS
Latest News