Maydh(GNO) Ciidamada ilaalada bada Somaliland waxaa ay gacanta ku dhigeen doon siday dad tahriibayaal Ethiopian ah , Doontan ayaa ay ciidamadu ka soo qabteen deeganka xarjo oo 55 km dhinca bari kaga began xeebta   meydh ee Somaliland .

Doontan ayaa bada ku jirtey    isla markaana dul sabeynaysay muddo labada todobaad ah waxaana ay ciidamdu bad baadiyeen 72 qof  halka 10 kalana ay ku dhinteen laguna aasaay xeebta.

Gudoomiyaha gobalka sanaag Axmed Cabdi Fly oo warbaahinta arintaasi u sheegay ayaa waxaa uu sidoo kale uu xusay in naakhuudayaashi i waday doontaasi ay isku dayeen in ay baxsadaan isla markaan ciidamda bada Somaliland ay ka soo qabteen buuraha deegankasi oo ay baxsad ku tageen

Xukuumada Somaliland ayaa badhitaan xoog leh ku wada doontaasi oo hada joogta xeebta dadkiina ay ku sugan yahiin isla gobaatasi

Si kastaba ha ahatee Somaliland oo leh bad aad u dheer ayaa aan hada saldhig u noqon xeebo ay dadku tahriiban ciidamada mariniska ee Somaliland waa qaar hadh iyo haben u so jeeda ilaalinya bada Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here