Published:

“Ciidan Kali ah oo la Moodo in ay dadka qabsadeen ayaa loo diray oo waxba aan la Raacin”

Hargeysa(GNO) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in aanay helin dadka ku dhaqan Gobolada Barriga Somaliland adeegyadii aasasiga ahaa ee Bulshada isla markan ka qatan  yihiin Dhaqaalihii waddanka.

Sidaasi waxa uu ka sheegay mar uu la hadlayey Idacada BBC-da.

Waxa uu sheegay in Deeganada Gobolka Sool gaar ahaan Degmada Xudun oo uu ku tagay Socdaal uu ugu magac daray Socdaalkii Nabbad uu ku soo arkay waxyaabo ka yaabiyey sida dadka deegaankaasi oo aan caafimad haysan, Iskuladii oo aanay Somaliland maamulin, waxanu hoosta ka xariiqay in deegankaasi wax maamul ahi gaadhin marka laga reebo ciidamo qalalan oo aanay wax kale la socon.

Faysal Waxa uu Beesha Dhexe ku eedeyey in ay isku koobtay Mansabyadii dalka isla markaan dadkii ka soo jeeday Beelaha darafyadu aanay waxba ku hayn Somaliland,  isaga oo xusay in dawladii Marxuum Cigaal ugu danbeysay dawlad saami qaybsi ku wadda qancisa beelaha Somaliland.

News Related