Gabileynewsonline.com
Gaadhi Xamuul ah oo adhi siday ayaa Hargeysa ku rogmaday + Khasaaraha ka dhashay SAWIRO
January 12, 2016 - Written by admin

Gaadhi Xamuul ah oo adhi siday ayaa Hargeysa ku rogmaday + Khasaaraha ka dhashay SAWIRO

Hargeysa(GNO)-Ugu yaraan Hal ruux ayaa ku dhaawacmay shil baabuur oo saaka aroortii hore ka dhacay magaalada Hargeysa  gaar ahaan xaafadda calaamadaha wadada Airport-ka tagta.

Gaadhigan oo noociisu ahaa waaraad ayaa waxa uu ka yimid dhinaca miyiga isagoona siday adhi faro badan, balse ugu yaraan 25neef ayaa qudh-baxay halka intii nolol lagu soo gaadhayna la bireeyay.

Darawalka gaadhigan waday ayaa sheegay in gaadhigu uu bireegga goostay kaddibna markii uu arkay arday yar-yar oo baskii iskuulka saaran oo gaadhigu ku beegnaa  uu go’aan saday in uu gaadhiga qallibo si uu caruurta uga bad-baadiyo.

Dadkii goobta joogay ayaa darawalka ku tilmaamay in uu ahaa geesi u naxay caruurta yar-yar isagoona naftiisa halaag galiyay, inkastoo darawalka markii danbe ciidanka bileysku xabsiga u taxaabeen.

Lama oga illaa hadda xaaladda ninkii dhaawaca ahaa oo cisbitaalka loola cararay.

COMMENTS
Latest News