Gabiley iyo Guyaal Tegey
Gobolnimoraadiska Gabiley
Qormadii Labaad:
Akhristayaasha sharafta lahoow, intiinna hore u soo akhrisatay qormadii koowaad ee mowduucan aynnu ula magacbaxnay Gobolnimoraadiska Gabiley oo gogoldhig u ahaa qaybahan soo socda, waxan ballanqaaday in aan soo bandhigi doono taariikhdaa gobolnimoraadiska wixii aan ka ogaa.
Waxase dhici karta, in halgankaasi lagu doonayey gobolnimadu xataa ha horreeyey taariikhda aan hore u soo tilmaamay – markii aan bilaabey qoritaanka cinwaankan ku caanomaalay: Gabiley iyo Guyaal Tegey ee shabakadaha qaarkood ku soo baxay, sannadkii 2014kii!
Fadlan dib u dheeho, qaybtii Kowaad ee aynnu kaga hadalnay; taariikhdii dugsiga sare ee Timacadde iyo sidii u dhismihiisu ku bilaabmay.
Akhristayaal, dib-u-milicsiga qormadaasi waxad kula kulmi doontaan qodobkan hoosta ku qoran oo aynnu odhan karno wuxu ahaa bilowgii inta aan garanayo gobolnimoraadiskii Gabiley.
Qodobkaasi oo ahaa ka saddexaad wuxu u qornaa sidatan:
3. Iyo iyada oo loollan gobolnimodoon ahi ka dhexeeyey, labadii degmo ee Boorama iyo Gabiley- loollankaasi oo bilaabmay 1974kii oo ahaa sanadkii uu bilaabmay; ololihii la magacbaxay: Ololaha hor-u-marinta reer miyiga.
Waxayna odayaasha magaaladu u arkayeen lahaanshaha dugsi sare, in uu magaalada u soo kordhin doono; magac iyo maamuus miisaan u yeeli doona; arjigeeda gobolnimodoonka ah.
Haddaba walaalayaal, waxaynnu odhan karnaa; gobolnimodoonka Gabiley wuxu bilaabmay 1973kii, wuxuse si weyn u soo shaacbaxay sanadkii 1974kii.
Haddaba su’aashu waxay tahay halgankaasi gobolnimoraadiska ah ayaa xiligaasi wadey??
Su’aashaasi jawaabteeda meeldheer u dooni maynno oo la iskuma haysto lamana dafiri karo, in ay odayaasha magaalada Gabiley oo ganacsatada u badnaa wadeen.
Waxa aan iyadana la dafiri karin kaalinta ay halgankaasi ku lahaayeen ururadii loo yaqaanney, ururada bulshada ee haweenka iyo dhallinyarada degmadu!!
Su,aal kale oo jawaab waafi ah u baahani waxay tahay, halgankaasi gobolnimoraadiska ah ee Gabiley muxuu taariikhdaasi aynnu korka ku soo tilmaannay u firfircoonaaday amma uba bilaamay??
Waa innoo jawaabta su’aashaasi iyo qormada dambe idam Allah…
C/llaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com