Akhristayaal, waa kulan wacan iyo qormadeenii shanaad ee taxanihii la magacbaxay, gobolnimoraadiskii Gabiley ee 1970naadkii.
Intiinnii soo akhriday qormadii afraad haddaan dib-u-xusuusiyo, waxan ballanqaaday; in aynnu qormadan kaga hadli doonno; shiiqiskii amma hakadkii galay halgankaasi muddadii u dhaxaysey 1976 -1978kii.
Arrimaha hakadkaasi dhaliyey oo dhawr ahaa, waxaynnu ka xusi doonnaa saddex dhacdo oo aan is leeyahay waa kuwii ugu muhiimsanaa. Kuwaasi oo kala ahaa:
- Sannadkii 1976kii waxa dalka si rasmi ah looga aasaasay xisbigii la magacbaxay, Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed. Curashadii xisbigaasi waxa ka dhashay dareenno badan oo leh: kuwo siyaasadeed, kuwo diineed iyo kuwo bulshaba. Halkanse ku faahfaahin maynno dareenadaasi ka dhashay- waayo, ma aha mowduuca aynnu ka hadlaynno!
Ku dhawaaqiddii xibigaasi waxa kale oo ay dalkii Soomaaliya la odhan jirey gelisey, marxalad-kala-guur ah oo siyaasadeed. Waayo, waxa xafiisyadii askarto fadhidey la wareegey intooda badan; rag rayid ah oo xisbiga hantiwaagga ka tirsan.
Sidaa awgeed, muddo ayuu dalku ku jirey; xafiis la kala tirsado iyo jihowareer. Taasina waxa ka dhashay, is faham la’aan iyo ka dhursugid intii lala qabsanayey madaxda iyo nidaamka cusub! Taasi ayaana dhalisay, in gobolnimodoonkii Gabiley hakad galo sannadkaasi.
2. Sanadihii 1977/78 kii waxa dhacay dagaalkii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya. Labadaasi sannadood wax aan dagaalkaasi ahayn dhego looma lahayn – shicib iyo dawladba. Waxana halkaasi ka cad akhriste, in ay hawlihii dalka ka socdey oo dhammi hogosho galeen; marka laga reebo hawlihii dagaalka.
Sidaasi awgeed, saddexdaasi sannadood ee is ku xigey; waxa dhaqdhaqaaq gobolnimoraadis kama soconin Gabiley.
Haddiise aad rabtid kaalintii ay degmada Gabiley dagaalkaasi ku lahayd oo faahfaahsan, fadlan akhriso buugga la magacbaxay: Sal iyo Baar oo dhawaan lagu daabacay dalka Ingiriiska – oo uu qoray qoraha taxanahani!!
3. Arrinta saddexaad ee aan is leeyahay way wiiqday halgankaasi iyo wadajirkii odayaashaba ayaa ahayd, siyaaro la yidhi Gabiley baa lagu dhigayaa oo keentay qaybsan iyo khilaaf!
Waxayna ahayd siyaaradaasi tii ay ka bilaabantay, siyaasaddii la odhan jirey; “ Qaybi oo xukun” ee ay dawladdii Siyaad Barre ku kala qaybisay dadkii wada dhashay ee reer Gabiley!
Akhristayaal, haddii aynnu nafta haynno oo aynnu gaadhno; waa innoo qormada lixaad oo aynnu ku soo qaadan doonno, halgankii gobolnimoraadiska oo dib u soo magoolay; sannadkii 1979kii iyo wixii dhaliyey fufkiisa ama soo labakaclayntiisa!
Wa bilaahi at-towfiiq
C/llaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com
Time for a break.