Nabad akhristayaasha sharafta lahoow. Waa qormadeennii tobnaad ee taxanaheennii la magacbaxay, gobolnimoraadiskii Gabiley oo aynnu ka soo bilownay 1970 naadkii.
Qormadeennan maanta waxaynnu ku soo qaadan doonnaa, Gabiley oo u gardhiganaysa madaxda qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxda Somaliland marka aynnu leenahay uma jeedno kuwa maanta Somaliland xukuma oo keliya iyo xisbiga Kulmiye. Waxaynuse u gardhiganaynaa kuwa xisbiyada kale hoggaamiya ee berrito marka doorashada la gaadho – haddii Ilaahay idmo – codaynta iyo sanduuqa ii buuxda, Gabiley ku tabi doona!
” Halmadaad halmadaad
Hayaay yaan la dhashayey
Hirigtays marinaayiyo”
Kuwaasi waa erayadii uu (Ihun) abwaan C/llaahi Suldaan ku tilmaamay siyaasiga Soomaaliyeed, marka uu ololaha doorashada ku jiro iyo xodxodashada reeraysan uu la soo baxo xilligaasi doorashada!
Su’aalaha jawaabaha u baahan ee reer Gabiley weydiiyeen – haatanna weydiinayaan- madaxda reer Somaliland, waxa ka mid ah:
- Gabiley dhul ahaan iyo dhaqaale ahaanba, gobolnimo ma geydaa?
- Dad iyo duunyo ku filan ma leedahay?
- Haddii jawaabtu haa tahay, halkee laga haystaa?
- Maxay Gabiley geyaankeedii kaga hadhay ee ay illaa maanta gobolka dhiman u tahay?
- Halkay ka il iyo oofba la’dahay Gabiley ee ay qayrkeed iyo qoomaheedba kaga hadhay?
- Halkay Gobolnimada buuxda ee Gabiley ka go’day?????
- Ayaa ku fadhiya Gobolnimada Gabiley ee laga fujiyaa?
- Maxay reer Gabiley gobolnimada ugu halgamayaan afartan iyo in ka badan?
Caddaaladdarrada ugu weyn ee uu Aadamuhu sameeyo dhinacyada sharciga iyo dhaqankaba (curfiga), waxa ugu weyn oo cid waliba ogtahay; Kala sarraysiinta laba sinnaa!!
Waxa iyana ka mid ah caddaaladdarrada bani’aadmigu sameeyo, simidda laba aan sinnayn sharci ahaan!
Haddaba illaa haaatan taasi Gabiley ma haysataa? Maxayse u haysataa?
Waxyaabaha gobolnimada Gabiley u xanniban tahay xilligan ee aanu qof caadiga ogeyn waxa ka mid ah:
- Xeerka caasimadda Hargeysa oo qabyo ah! Xagguu xeerkaasi ka qabyoobey ama yaa ku fadhiya?
- Goboladii dhinnaa ee mar lala magacaabay Gabiley oo laga baqayo, in ay xanaaqaan amma masayraan (hinaasaan); haddii Gabiley xaqeeda la siiyo!
- Caasimadda ayay Gabiley caasha (hoosta) kaga jirtaa! OO waayo?
- Gorof iyo gondaal Gabiley lagu maalo la heli maayo, haddii gobolnimada la siiyo!! Waana qodobkan ka xaqiiqda ah ee Gabiley weligeedba lagu godliyaa!!
Ereyga gondaal (saanweji), waxa lagu maalaa lo’da – gaar ahaan marka uu ilmuhu ka dhinto. Waxa saanwejigaa laga soo jaray ilmihii sacee dhintay lagu dhisaa, qori leh faraaraha hangoolka oo kale. Haddaba, si aanu sacaasi u gudhin; ayaa gondaalka cusubo iyo caanihiisa loogu lisaa. Marka uu sacu leefana wuu ku godladaa – sidaasi ayaana lagu maalaa oo ku irmaanaadaa!
Gabiley waxa illaa iyo 1970 naadkii gondaal looga dhigtay, “Horta codka (vote) i sii, anigaa gobolnimo buuxda ku siine!”
Waxay Gabiley leedahay, afar arrimoodba ka ilbaxay:
- “Hadhowtaan wax ku siine horta soofi baraarka” Timacadde (Ihun)
- Gondaal aan cusbo iyo caano toona lahayn oo carrabkayga daashada
- ” Halmadaad halmadaad, hayaay yaan la dhashayee” Xilliga foodka ah
- Iyo in sidii hangoolka hawsha uun la igu tebo!!
Waabaynu xiiqnay oo xabeebsanaye, illaa qormadeenna dambe – haddii Rabbi xukumo- ammaano Allah iyo isma dhaafno walaalayaal.
C/llaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com