Kulan wacan walaalayaal. Waa qormadeennii toddobaad oo aynnu diiradda saari doonno ololihii ay odayaashii iyo dadweynaha reer Gabiley qaadeen markii ay maqleen, in ay gobolnimadoodu ku xidhan tahay; natiijada (haa)da ah ee ka soo baxda aftidii loo qaadayey distoorkii loo codeenayey 1979kii oo iyaga iyo Boorama lagu kala saarayo! Alla maxaa dadka been loo sheegay!
Haddaba si aanay Boorama uga guulaysan Gabiley, waxa la qaaday olole (campaign) aan loo kala hadhin oo haa raadis ah. Tallaabooyinka la qaadayna waxa ka mid ahaa kuwan hoosta ku qoran:
- In dhammaan dadweynaha la wacyigeliyo oo loo sheego waxa la raadinayo oo gobolnimo ah iyo shardiga ay dawladdu ku xidhay oo ahaa; (haa)da distoorkii ee Gabiley oo ka badata ta Boorama!
- Waxa kale oo suuqa la geliyey, in sanduuqa mayada (no)da oo midabkiisu huruud (jaalle) ahaa uu Mengiste leeyahay oo qofkii waraaqdiisa ku ridaa uu Mengiste u codeeyey! Sidaa awgeed, ayaa tuulooyinka qaarkood u diideen ammaba u jajabiyeen; sanduuqii mayada loogu talogalay!
- Waxa kale oo cajalado lagu duubay, dhammaan qodobadii distoorkaasi ka koobnaa oo ahaa; 114 qodob – si ololaha loogu galo oo ay dadku uga dhergaan uguna codeeyaan!
- Cajaladahaasi oo si wanaagsan loo duubay ayaa tuulo kasta loo shidi jirey, marka ay odayaasha iyo kooxihii aftida distoorku tagaan.
Waxa kale oo iyaguna maalintii codbixinta distoorkaasi dhacaysey, goob wal oo aftidu ka dhacayseyba taagnaa haween calaamadsanayey oo ceebeynayey; qofkii sanduuqa mayada waraaqda ku rida!
Halkaasi waxad ka arkaysaa, sida dadweynaha reer Gabiley gobolnimada ugu soo halgameen iyo sida dadweynaha walaalaha ee reer Gabiley iyo Boorama la isugu diri jirey; iyada oo aan midkoodna waxba loo haynin oo ay sheekadu ahayd; ku dalac iyo darajo ku hel.
Akhristayaal, haddii aynnu intaasi ku soo dabaalno qormooyinkeennii ahaa kor-ka-xaadiska taariikheed ee gobolraadiskii Gabiley ee 1970naadkii illaa bilowgii 1980naadkii; waxaynu haddii Eebbe idmo ku soo qaadan doonnaa qormooyinka soo socda, dood iyo talooyin ku socda madaxda hay’adaha fulinta iyo xisbiyada Somaliland iyo dadweynaha ku dhaqan gobolka Gabileyba.
Haddaba, inta aynnu qormo kale oo xiiso leh ku kulmaynno – waa haddii Ilaahay idmo’e- nabadgelyo iyo noole kulantideen!
C/llaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com