Gobolada Awdal,salal iyo gabiley waxaan ku buurinayaa waa iney is diwaangaliyaan oo ay qaataan kaarka jinsiyada iyo ka codbixintaba.By maxamed jeex
Umada ku dhaqan goboladaas aan kor ku xusay waa iney ka qaybqaataan sidii ay u qaadan lahaayeen kaarka jinsiyada iyo ka cod bixiyaashaba waayo?waa muhiim in qofkasta oo reer somaliland ah waxaa looga baahanyahay inuu qaato dhalashada wadanka somaliland.
Gaar ahaan gobolada galbedka waxaan kugu la talinayaa iney si wanaagsan u qaataan kaararka si ay isku muujiyaan oo ay u tusaan iney yihiin caasimada labaad ee reer somaliland magaalada borama.
Marka awdal ama borama waa iney cadeystaan iney tahay caasimada labaad ee dalka somaliland oo ay ku muujiyaan cududooda shacab ee ay leeyihiin reer awdal haddii aad taas muujin weydaan waxaa dhici doonta iney reer togdheer ay yidhaahdaan waxaan nahay caasimada labaad ee dalka.
Dadka degaanka waxaan leeyahay kaarku waa muhiim oo berito wuxuu noqondonaa in qof kasta oo reer somaliland ah la weydiiyo sharci matalan markuu xuduudaha ka talaabaayo iyo markuu wadanka dhaxjoogaba.
Sidaas darteed reer somaliland waa inaad ka faa,iidaysataan diiwaan galintan dalka oo dhan ka bilaabantey oo aad qaadataan labada kaarba.
Allaa mahad leh
By maxamed jeex
Brussels.