Published:

Waxa dhamaan ganacsiga Hadaba akhriste waxa wax lala yaabo ah in shirkadaha laydhka ushida magaalada borama aynoqdeen kuwo macaanaya dhiiga dadka masaa kiinta ah ee ay laydh siiyaan” Hadaba akhriste waxa wax lala yaabo ah in shirkadaha laydhka ushida magaalada borama aynoqdeen kuwo ka macaasha  dhiiga dadka masaa kiinta ah ee ay laydh ushidaan taas oo markii hore ay keeneen shuruudo badan oo ay sabab uga dhigeen shidaalka

ayaa qaali ah.
Waxaana kamid ahaa shuruudahaa 1. In laydhka lacagta ugu hoosaysa ee la qaado ay ahayd 10$dolar hadii aad hal kiiloo waat aad isticmaasho waxa lagaa qaadayaa 10$ dolar halka hadii khalad ama ciladi kutimaado sacadaada oo ay kugu soo qorto number badan tusaale 90 kiiloo waat ay kugu soo qorto waxba lagaa dayn mayo waa lagaa wada qaadayaa wax ala waxa ay kugu soo qortay saacadu wax naxdin iyo naxariis ahi kama hayso iyo umada in ay boobaan ayuun bay diyaar uyihiin.

2. waxa kale oo wax lala yaabo ah in ay soo iib sadeen saacado si gaara ay usoo samaysteen oo aan suuqa meelkale laga helin oo ay ugu talo galeen in ay umada ku dhacaan oo ay waxa yar umada masaakiinta ah loo soo diro ee ay qaraabadooda dibadaha ka helaan ay dhexda ujoogsateen, kali ah ujeedadooduna waa in ay umada dhiiga kajaqaan kali ah saacadahaas oo laydhka oo bakhtiisan iska socda..waxa kale oo jirta inmagaalada wadooyinkeedu ay madowyihiin oo aanay wax laanbado ah ku xidhin wadooyinka.

Hada waynu lawada soconaa halka uu marayo qiimaha shidaalka caalamku waxa uu marayaa hakii ugu hoosaysay halka foostada shidaalka ahi caalamka uu marayo 36$ halks Somaliland ay kamarayso foostada shidaalka ahi 100$ halkii uu markii hore ka ahaa 200$ waxa hoos udhacay 50% marka la eego qiimaha shidaalka Somaliland.

Waxa markiiba markii uu shidaalku hoos udhacay jawaabdag daga kabixiyay shirkada laydhka ee magaalada Berbera taas oo ka dhigtay 0.5 qiimaha halka kilo waat, halka uu Borama ka yahay 1dolar halka kiiloo waat. Waamaxay sababta ay shirkadaha laydhka ee magaalada boorama ay umacaan sanayaan dhiiga umada hadii ay iyagu sidaa damiir la, aan unoqden bulshadii hakay iyadu is dhigtay .

Bulshada kudhaqan magaalada boorama habaraarugaan oo hala xisaabtamaan waxna ha iska waydiiyaan dhibta ayku hayaan shirkadaha laydhka ee magaa lada borama , hadii ay iska qaban waayaan wax kusii biira mooyee wax hoos uga dhacayaa ma jirto.

Allaa mahad leh

by maxamed jeex

brussels.

News Related