Published:

Halgamadii EPLF(Eritrea), SNM(Somaliland) iyo is-bedelkii siyaasadeed ee Geeska Afrika, 1991.
Halgamadii EPLF(Eritrea), SNM(Somaliland) iyo is-bedelkii siyaasadeed ee Geeska Afrika, 1991.
Qeybtii 1-aad.

Sanadkii 1991, waxa geeska Afrika ka dhacey is-bedel siyaasadeed oo mugleh, markii ay mar qudha burbureen labadii xukuumadeed ee ugu awooda badnaa, colaad qarniyo jirsatayna ka dhexeysay. Xukuumadahaa burburey oo ka talinayey wadamada Ethiopia iyo Soomaaliya waxa muddo dheer soo kale hogaaminayey Colonel Mugiste Haile Maryam iyo General Maxamed Siyaad Barre, waxaana burburkooda sabab u ahaa jabhadiihii dagaalka hubeysnaa la galey ee ahaa EPLF(Eritrean People’s Liberation Front) iyo SNM(Somali National Movement). Halgankaas oo kala bilaabmey 01 sept 1961 iyo 6 april 1981.
Maanta, rubuc qarni ku dhawaad kadib juqraafiyada Geeska Afrika ee Beesha Caalamku aqoonsantahey waa 4 wadan, halka 1991 ka hor ay ahaayeen 3 wadan. Haddaba su’aalaha la isweydiin karo ayaa ah : maxaa keeney in jabhadii EPLF ku guuleysatay ka midha dhalinta hadafkeedi?, iyadoo aynu ogsoonnahey in Wadanka Eritrea u maanta ka mid yahey Beesha Caalamka, halka Jamhuuriyada Somaliland oo ka dhalatey halgankii SNM ay wali baadigoob ugu jirto aqoonsi siyaasadeed oo ay Beesha Caalamka ka hesho? Ma jidkii EPLF hadafkeeda u martaa saxsanaa? ma kii SNM baa qaldanaa? ma arrima kalaa Jira? xaalkuu waas sidee?
Si aynu su’aalahaa uga jawaabno waxa aynu marka hore guud mari doona Halgankii EPLF siduu ku bilaabmey, marxaladihii u soo marey iyo siduu hadafkiisii ku gaadhey. Waxa kale oo aynu si qoto dheer u eegi doona Halgankii SNM siduu ku bilaabmey, muxuu ahaa hadafkiisa dhabta ah, marxaladihii u soo marey, guushii SNM hantiday siday u maareysay sanadahii 1991 ila 1993, Doorashadii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal(AHN), bilowgii dhismaha Haykal Dawladeed, Doorashadii Daahir Riyaale iyo xulufadiisii, guushii xisbiga Kulmiye hantiyey badhatamihii sanadkii 2010, dib u soo noolaashadii himilidii shacabka Reer Somaliland iyo xaaladaha siyaasadeed ee Maanta ay ku sugan yihiin wadamada Gesska Afrika( Eritrea, Somaliland, Ethiopia iyo Soomaaliya).

News Related