|
|||
Gabileynewsonline.com
Hogaan Cusub oo Loo Doortay Xisbiga Kulmiye Laantiisa Wadanka Finland iyo Magacyada Gudida
January 17, 2016 - Written by adminShir balaadhan oo ay kasoo qaybgaleen guud ahaanba taageereyaasha Xisbiga Kulmiye laamihiisa kala duwan ee wadanka Finland oo kadhacay President Hotel caasimadda Finland ayaa lagu doortay Hogaanka xisbiga Kulmiye ee laanta Finland iyo Guddiga Fulintaba. Shirkan oo ahaa mid siheerssare ah loosoo agaasimay laguna qabtay mid kamid ah Hoteelada ugu waaweyn caasimadda Finland ee Helsinki ayaa waxa laga jeediyay hadalo dhaxal gal ah iyadoo masuuliyiinta kahadlay ay kudheeraadeen taageerada ay uhayaan xisbiga Kulmiye iyo Xukuunadiisaba. Caaqli/mujaahid Mustafe Nuur Ducaale oo halkaa kahadlay ayaa siqotodheer uga hadlay shakhsiyadda Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo uu kusifeeyay Masuulka ugu mudan In loodoorto Hogaanka qaranka isla markaana yahay Muuse Biixi siyaasi dalkan iyo dadkanba usoo halgamay oo mudan In maanta loogu hiiliyo taageero dhaqaale iyo mid Codba. Intaas kadib waxa lagudogalay doorashadii hogaanka laanta iyadoo halkaa cod gacantaag ah mid mid loogu codeeyay masuuliyiinta hogaanka laanta 1.Ahmed A khaliif Gudoomiyaha cusub ee laanta xisbiga loodoorto 2.gudoomiye xigeen Caaqul/muj. MUstafe Nuur Ducaale 3.Xogahye Guud ee laanta Ahmed Mohammed ismail (Guray) Gudoomiyaha Garabka Haweenka Marwo Hodan Mohammed Hodan Jibouti Khasnaji laanta Kulmiye Finland Guuleed Khadar Cabdi Intaa kadib waxa halkaa kahadlay Gudoomiyaha cusub ee ladoortay isagoo umahad celiyay dhamaanba taageerayaasha goobta joogay ee xilkan udoortay waxaanu ballan qaaday inuu sihufan ugudan doono xilka loodoortay isaga iyo hogaankiisubu Waxa iyana kamid ahayd martisharafta lagusoo casuumay lataliyaha Musharaxa jamaal cali xuseen ee arrimaha debeda Marwo saamia Muuse
COMMENTS
|
Latest News
|