Hargeysa(GNO)Musharaxa xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen, ayaa la taliyihiisa arrimaha dibadda u magacaabay masuul dhawaan Eng Faysal Cali Waraabe ka qaaday xilka. Wareegto uu Jamaal soo saaray ayuu la taliyihiisa arrimaha dibadda ugu magacaabay Marwo Saamiya Cumar Xaaji Muuse(Saamiya Muuse) oo dhawaan guddoomiye Faysal ka qaaday xilka ay haysay ee ahaa guddoomiyaha Abaabulka qaaradda Yurub ee xisbiga Ucid.
Saamiya ayaa xilka qaadisteeda kadib saxaafadda u sheegtay in xubno ka tirsan xisbiga Kulmiye ka shaqeeyeen xilka qaadisteeda iyagoo u soo dhexmaray guddoomiye Faysal, waa siday hadalka u dhigtaye. Saamiya ayaa intii khilaafka Faysal iyo Jamaal socday laga dheehanayay inay tahay isbedel doon u janjeedha Musharax Jamaal.
Mudane Jamaal Cali Xuseen ayaa sidoo kale magacaabay Ismaaciil Digaale,Guddoomiyaha Kaambaynka Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID ee Dalka Finland.