Gabileynewsonline.com
Laba Wariye Oo Ka Tirsan TV-ga HCTV Oo Maalmihii U Danbeeyey Dibad-Wareeg Ahaa Iyo Xukumada Somaliland Oo Wacad Ku Martay Inay Xabsiga Dhigayso Markay Soo Laabtaan
January 21, 2016 - Written by admin

Laba Wariye Oo Ka Tirsan TV-ga HCTV Oo Maalmihii U Danbeeyey Dibad-Wareeg Ahaa Iyo Xukumada Somaliland Oo Wacad Ku Martay Inay Xabsiga Dhigayso Markay Soo Laabtaan

Hargeysa(GNO)-Janaury-21-2016- Wariya-yaasha kala ah; Agaasimaha guud ee tvga HCTv Maxamed Cabdi Sheekh (ILIG) Iyo Cabdiraxmaan Xirsi Heello oo ka tirsan TV-ga Somaliland laga leeyahay ee HCTV,ayaa tan iyo markii ay Magaaladda Muqdisho kaga qeyb-galleen Shirka Xeerka Saxaafadda Somaliya oo ay hagaysay Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud,waxa ay si weyn uga war-wareeggayaan inay Dalka dib-ugu-soo noqdaan,ka dib markii loo sheegay suuragal-nimadda in Xibsigga la dhiggo,maadaama si la sheegay sidaas lagu go’aamiyay kullan dhex-marray Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland.

Mid ka mid ah Labadda Wariye,ayaa isagu ayaammo ka dib waxa uu u sii duulay Magaalada Nayroobi ee Dalka Kenya,halkaas oo la sheegay inuu in muddo ah ku sugnaan doono,halkii Wariyihii kalena aan la ogayn inuu Walli Magaaladda Muqdisho jooggo iyo inkale.

Qeyb-galka Shirkaas ee Labaddaas Suxufi ka qeyb-galleen,ayaa waxa uu dood-adag ka dhex-dhaliyay qeybaha Bulshadda,waxaanay maalmo hadheeyeen Goobaha ay Bulshadda ku wada xidhiidho,taas oo keentay in Su’aallo badan layska weydiiyo Safarkooddaas.

Xogo lagu Kalsoonyahay oo ay warbaahintu heshay ayaa sheegaya inay Xukuumaddu go’aan ku qaadatay inay Labaddoodaba Xabsigga dhigto,taas oo ay ku badhi-gaageerayso Hogaanka sare ee Ururka SOLJA.

 

COMMENTS
Latest News