Gabileynewsonline.com
ma taqaan qofka dadka ugu caqliga badan. By maxamed jeex.
January 1, 2016 - Written by admin

Alle SWT ha inaga yeelo inta hadalka kiisa wanaagsan dhagaysata ee waxna ku qaata.
Allaahumma Aammiin.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Nabiga (nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee) wuxuu soo aaday dhinaca qabuuraha si uu uga qayb galo qof la aasayay, markuu nabigu soo gaaray qabriga afkiisa ayuu nabigu fariistay wuxuu bilaabay inuu ooyay, ilmadii Nabiga s.c.w ka soo baxday ilaa ay qoysay ciidii saarnayd qabriga daantiisa, saxaabadii nabigu waxay bilaabeen inay aamusaan iyago la yaaban oohinta nabiga oo hore loogu dhaafay dambigiisa, wax yar ka bacdi ayaa nabigu isaga oo ooyaaya wuxuu saxaabada ku yiri “walaalahaygiiyow tan oo kale u diyaar garooba waxay soo maraysaa qof kasta oo idinka idinka mid ah”. Nin ayaa nabiga wuxuu waydiiyay qofka dadka u caqli badan, wuxuu nabigu yiri “dadka had iyo goor xusuusta geerida oo had iyo jeerna u diyaar garooba, kuwaasaa ah kuwa dadka u caqli badan, waxayna la tageen sharaftii aduunyada iyo karaamadii aakhiro” (ibnu maajah).
Sidaan ognahay dadka maanta qabuuraha ku jiraa waxaa laga yaabaa inay ahaayeen dadka aduunka u raaxa badan una waqti (cimri) dheeraa, ama dadka ugu sharaf badan, maantana waxaa guryo u noqday qabuuraha, waxaa wehel u ah mugdiga, darisna waxaa u ah lafaha dadkii hore oo geeriyooday, maalkoodii waa la qaybsaday, waxaa dhab ku noqotay Eebe hadalkiisii aaha { ma waxaad moodeen in aan idiin abuunay dheel-dheel oo marnaba xagayaga aydan u soo noqonayn (mu’minuun 115)} . Marna walal ma ku fekertay maalinta aad dhimanaysid, maalinta aadan lahayn xeelad aad uga fakato geerida, marka geeriduna kuu timaado qoomamo ku anfacayn, hadda ayaad haysataa waqti waxaad hor istaagi doontaa Eebaha aan wax ka qarsoomi karaa aanan jirin sida Eebe quraankiisa ku yiri {maalinta eebe laydiin soo bandhigi doono, maalintaa wax Eebe ka qarsoomaya aanan jirin ( alxaaqa 18)}. Sidoo kale wuxuu alle noo sheegay qofkasta inuu dhimanayo wuxuuna ku yiri quraanka kariimka ah, { Naf waliba waxay dhadhaminaysaa geerida, maalinta qiyaamana qof waliba wixii camal ah uu la yimi ayaanu siinaynaa, qofkii laga dheereeyo naarta janadana la geliyo wuu liibaanay, nolosha aduunyaduna waa nolol wax kadisa. (aala cimraan 185)}.
Inaad had goor xusuusnaato geerida kana fakarto wixii camal ah oo aad samaysay waxay ka mid tahay waxyaalaha Eebe loogu dhowaado, wax kasta ood aduunkaan ku haysatana aduunka ayaad uga tagaysaa waxaa ku raacayaa camalkaaga, haddii uu yahay mid xun waxaad la kulmaysa wax xun, hadii uu wanaagsan yaahayna waxaad la kulmaysaa wax wanaagsan, marka Eebe loo tagana wuxuu eebe oran {waxaad maanta noo timaadeen qof waliba isagoo kaligii ah sidii aan markii hore idiin abuurnay wixii aduunka aad ku hayseena gadaal ayaad uga timaadeen}.Waxaa walaalayaal waano iyo wiciid noogu filan geerida.

allaa mahad leh

by maxamed jeex

brussels

COMMENTS
Latest News