Berbera(GNO) Maamulka Haamaha Shiidaalka Berbera ayaa shalay eryey mid ka mid ah shaqaalaha Haamaha shiidaalka, kaasoo fasax ugu maqnaa laba maalmood geeri ku dhacday eheladiisa, hase yeeshee markii uu shaqada soo galay lagu war-galiyey erigiisa. Axmed Saalax oo ah shaqaalaha la eryay ayay xaalad caafimaad darro ku soo booday markii la ogeysiiyey Erigiisa, waxaana loola cararay cisbitaalka kadib markii uu dhiig-kar ku dhuftay, illaa hadana sida wararka ka soo baxaya xaaladda ninkaasi sheegaysaa in uu ku jiro miyir-doorsoon. Sidoo kale, waxa isla shalay la eryey Sacad Ducaale oo ka codsaday maamulaha Haamaha in uu u naxariisto ninka shaqaalaha ah ee uu eryey, hase yeeshee maamuluhu waxa uu isla markiiba amar ku bixiyey isagana in laga saaro shaqada. Eriga labadan shaqaalaha Haamaha ka tirsan ayaa ku abuuray shaqaalaha walaac balaadhan, waxaanay dhamaantood xalay ku sugnaayeen cisbitaalka uu ku jiro ninka ka tirsanaa ee dhiig-karku ku soo booday, iyagoo wada qorshe ay kaga gaashaamanayaan hab-dhaqanka maamulka cusub ee Haamaha Shiidaalka. Axmed Saalax iyo Axmed Yuusuf Cige oo ka tirsanaa madaxda Haamaha Shiidaalka ayaa iska casilay xilalkii ay ka hayeen haamaha kadib markii ay arkeen in maamulka shirkadaha la siiyey haamuhu ay dareerinayaan shaqaalaha ka hawl-gala Haamaha. Haamaha Shiidaalka ayaa lagu soo waramayaa inay ka taagan tahay xaalad maamul xumo oo khatar ku ah muhiimada ay dalka ugu fadhiyaan, waxaana soo if-baxaya khilaaf maamul oo u dhaxeeya shirkadaha la siiyey Haamaha. Ilo wareedo u dhuun daloola Haamaha ayaa sheegaya in aanay shirkadduhu illaa hada xisaabtamin, isla markaana aanay samaysan nidaamkii shuraako ee ay ku kala bixi lahaayeen, iyadoo la hadal hayo inaanay xataa saamilayda la leeyahay waa la siiyey aanay iskaba war hayn. Sidoo kale, waxa soo baxaya in haamaha shiidaalka aan loo meel dayin marka lagu shubayo shiidaalka isla markaana aanay kala xadaysnayn kuwa Naaftada ah iyo kuwa Petrolka ah, taasi ay horseedi karto cilado la soo darsa Haamaha laftooda ama qalabka shiidaaladaas loo isticmaali doono.
Maamulka Haamaha Shiidaalka oo Eryey Qaar ka mid ah shaqaalaha iyo qaar iska Casilay