|
|||
Gabileynewsonline.com
Madaxtooyada Oo Jawaab Adag Ka Bixisay Eedo Uga Yimid Xisbiga Waddani
January 6, 2016 - Written by adminHargeysa(GNO)January-06-2015- Madaxtooyada Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay eedo xisbiga mucaaradka ah ee Waddani uga yimid. Madaxtooyada iyo xisbiga Waddani waxay isku maandhaafsan yihiin qorshaha ah in diwaangalinta codbixinta ee Buuhoodle dib loo dhigo. Xisbiga Waddani ayaa ku doodaya in bulshada degta degmo doorashada Buuhoodle intii ogol diwaangalinta la raaciyo gobolka Togdheer, halka xukumadda iyo Komishanku qorsheeyay in guud ahaan Buuhoodle dib loo dhigo lana raaciyo gobolka Sool. Afhayeenka madaxtooyada Xuseen Aadan Cige(Xuseen Dayr), ayaa ku dooday inaanu xisbiga Waddani hore u muujin wax diidmo ah oo uu ka qabo hannaanka diwaangalinta Buuhoodle, wuxuuna ku tilmaamay guddoomiye xigeenka mid aan go’aan gaadhi karrin.
COMMENTS
|
Latest News
|