Published:

Hargeysa()-Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Gobolka Saaxil Marwo Rooda Axmed Yaasin, ayaa dadweynaha Gobolka Saaxil ugu baaqday inay ka qaybqaatan Diiwaan-gelinta Cod bixiyaha marka ay soo gaadho degmada Saaxil, iyadoo Taageerayaasha Xisbiga Ucid-na ku boorisay inay meelkasta oo ay joogan ka qaatan Kaadhka Codbixiyaha. Marwo Rooda Axmed Yaasin ayaa sidoo kale, dadweynaha gobolka iyo guud ahaanba Somaliland ku waanisey inay Nabad-gelyadooda ilaaliyaan xilli walba.

Marwo Rooda Axmed Yaasin oo arrimahan ka hadleysay ayaa tidhi, “marka hore dadweynaha Gobolka Saaxil waxaan u sheegaya inay qaatan Kaadhka Codbixiyaha oo ay is diiwaan-geliyaan, waxanan si weyn ugu waaninaya inay shacabka degmada Saaxil ka faa’ideystaan marka ay soo gaadho Diiwaan-gelintu, khaasatan waxan ka Codsanayaa inay Tageerayaasha Xisbiga Ucid qaatan kaadhka Codbixiyaha, waxanan uu sheegaya inuu Kaadhkaasi yahay ka hadhow lagu Codeyn doono oo qofka aan sidan aanu Codeyn dooniin marka halaga Faa’deysto… waxa kaloon dadka reer Somaliland iyo taageerayaashada faraya inay kaalin weyn ka qaatan arrinka diiwaan-gelinta, waxanan leeyahay Nabad gelyada awalba idinka ayaa ilaalin jiray ee nabad-gelyada ilaashada oo xilli kasta”. 

News Related