Published:

Hargeysa(GNO) Maxamed Biixi Yoonis oo ka mid ah Isbahaysiga Dimuqraadiyad doonka Kulmiye ayaa la filayaa in Maalinta Khamiista lagu soo dhaweyo magaalada Hargeysa, waxaanu ka soo  laabanaya safar uu in muddo ah uu ugu maqnaa Dalka dibadiisa. Magaalada Hargeysa ayaa laga dareemayaa qabanqaabada soo dhaweynta Maxamed Biixi Yoonis, waxaanu ka mid ahaa Saddexdii Murashax ee Deedafeyey Shirkii Golaha dhexe ee Kulmiye. Soo noqoshada Maxamed Biixi ayaa aad u sugayeen Xubnaha kale ee ay ku wada jiraan Isbahaysiga Dimuqraadiyad doonka Kulmiye, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay ku dhawaaqidoonan go’aan ka turjumaya mustaqbalkooda siyaasadeed.

News Related