Gabileynewsonline.com
Midkeebaa mudan inuu u noqdo gudoomiye ku xigeen xisbiga wadani?MA AXMED MUUMIN SEED MISE MAXAMED CALI CABDI? By maxamed jeex
January 11, 2016 - Written by admin

Midkeebaa mudan inuu u noqdo gudoomiye ku xigeen xisbiga wadani?MA AXMED MUUMIN SEED MISE MAXAMED CALI CABDI? By maxamed jeex
Waxaa mudan in la is weydiiyo musharaxiinta u tartamaya xisbiga wadani ee hangoogu yahay iney midba midka kale kaga awood bato inuu helo kalsoonida golaha dhexe ee xisbiga wadani.

Markaad eegto axmed muumin seed xisbiga wadani wuxuu galeyay wakhti aad u farabadan oo aad u weyn axmed ilaa iyo wakhtigii la aas aasay xisbiga wadani wuxuu ahaa ninkii la soo bilaabay xisbiga ilaa maantana kujira hadiyo jeerna difaaca markaa waa shaqsi qaymo weyn ugu fadhiya.

Axmed muumin seed xisbigan wuxuu galiyay maal ,muruq iyo aqliba waa nin la soo dagaalamay xisbiga waa nin haysta golaha dhexe aqlbiyadiisa waa nin aad u afgaaban oo akhlaaqleh waa nin u hadla umada reer somliland waa nin ay dadku u simanyihiin .

Hadaad eegto saadaasha gobolada galbeedka uu kaga awood badanyahay ninka hada ka yimiday wadamada dibada waa nin aad u wanaagasan.

Bal aan eegno maxamed cali cabdi wuxuu degaan jiray dalka Holland kadibna wuxuu u guuray dalka ingiriiska laakiin markii uu joogay dalka Holland ma,ahayn nin umada dhaxgal oo firfircoon wuxuu ahaa nin ku,eg dadkiisa oo qudha.

Danjire maxamed cali cabdi mar aan waraystey dad aad u yaqaaney waxay ku sheegeen inuu ahaa nin aaminsan reer nimada markii uu holland joogayna wuxuu ku ekaa dadkiisa oo uu la joogijiray hadiyo jeer.

Kadib wuxuu u guuray dalka uk ingiriiska halkaasna samcad wanaagsan kumuu lahayn hadaba ma,ninkaasbaa umada hogaan inuu u qabto doonaaya?

Hadaba dadka degan gobolada galbeedka somaliland kalsooni buuxda kuma qabaan maxamed cali cabdi maadaama uu yahay nin dadka aan kala aqoon dadka dibada joogaana ay aad u yaqaanaan waxaa dhici doonta inuu ku guuldareysan doono murashaxnimada.
Allaa mahad leh
By maxamed jeex
Brussels.

COMMENTS
Latest News