• Shalay oo bishu ku beegnayd 11.01.2016 ayay ahayd kolkii uu madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud
    Siilaanyo ka jeediyay khudbad sanadeedkii golaha baalmaanka Somaliland, khudbadaas oo ah mid sanad
    leh ah oo uu madaxweynuhu ka jeediyo laba aqal hortooda ayaa mid lagaga warbixiyo waryaabihii u
    qabsoomay qaran iyo xaalada dhabta ah ee uu wadanku ku jiro .
    waxa shalay uu madaxweyne siilaanyo si qumanuga war bixiyay siyaasada arimaha dibada taasoo uu
    sheegay heerka ay marayso iyo hanaanka siyaasada arimaha dibada loo maareeyo loona dardar galiyo si
    looga gun gaadho hanka bulshada iyo raadinta aqoonsi caalami ah oo wax lagula qaybsado bulsho
    weynta dunida.
    Waxa sidoo kale uu madaxweynuhu xusay in la adkayn doono xidhiidh aynu la leenahay wadamada
    jaarka, carabta, wadamada yurub iyo maraynkan sidoo kale waxa uu madaxweynuhu gaar u dul istaagay
    adkayn xidhiidhka wadamada jaarka gaar ahaan wadamada aynu soohdimaha wadaagno Ethiopia iyo
    Djibou% si anu wada shaqayn buuxda uga yeelano dabar goynta budh-cad badeeda, la dagaalanka
    argagixisada, adkaynta guud ahaan amaanka mandiqada, xoojinta xidhiidhka ganacsi, isu socodka iyo is
    dhexgalka bulshooyin.
    Dhanka xaalada ka aloosan dalalaka sacuudiga iyo iiraan waxa uu sheegay madaxweynuhu in ay
    foolxumo iyo wax laga xumaado ay tahay in la gubay safaaradii uu sacuudigu ku lahaa dalka iiraan taasoo
    ah mid sharciga iyo aadaminimada kasoo horjeeda oo jabinaysa heshiisyada iyo xeerarka aduunka
    Madaxweynuhu isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay inuu cambaaraynayo dalka iiraan falkaas
    foosha xun ee ay kula kacday safaarada sacuudiga isla markaas uu garab taagan yahay go’aanka dalalka
    jaamacada carabta garab iyo gaashaana u yahay dalka sacuudiga.
    Waa qodobo laga )laayay in uu mdaxweynuhu ka hadlo iyo waliba goaanka uu ka qaadan doono
    maamulka uu gadhwadeenka ka yahay taasoo uu uga jawaabay sidii loo baahnaa uguna haboonayd in
    lagu waajaha xaalada mandiqada iyo ta bariga dhexe iyo waliba dabka ay iiraan ka aloosayso bariga
    dhexe iyo saamaynta uu ku keeni karo hadii qalalaasahaas sidaa kusii socdo.
    Waa go’aan taariikhi ah oo madaxwenuhu ku dhiiraday qaadashadiisa in dalka iiraan loo gooyo xidhiidhka
    oo la agarb istaago dalka sacuudiga, taasoo ujeedadeedu ay tahay in dalkaasi iiraan uu ku gafay
    qawaaniinta dunida iyo xeerarka aduunka u yaala, isagoo ix%raami waaya nidaamka iyo xaq ay
    safaaraduhu lu leeyahiin aduunwaynaha oo ku kacay fal aad looga xumaado oo ku salaysan asal raac
    mabda’ diimeed oo uu baryahanba ku hawlanaa dalka iiraan sidii uu u )din lahaa uguna faa)n lahaa
    guud ahaan dunida gaar ahaana wada suniga ah eek u yaala bariga dhexe iyo afrika ee aynu ku jirno.
    Umalkhayr Mohamed
    Beeldaajisa @g

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here