Nuxurka Shir Uu Dr. Ciise Kayd La Yeeshay Waxgaradka, Siyaasiyiinta Iyo Ururka
Dhalinyarada Ee SAMANE Iyo Qoddobada Ay Ka Wada-Hadleen.
“Runta marka la sheego magaca mooyee wax ay Saddexda Xisbi Qaran ee UCID, WADDANI iyo
KULMIYE ay ku kala gedisan yihiin ma jirto.
Hargeysa(Hayaannews):-Murrashaxa u taagan doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee soo
socota ee Beesha ARAB ee Samane Aqoonyahan Dr.Ciise Kayd ayaa waxa uu kulan is-xog-
wareysi ah la yeeshay Madax-dhaqameedka, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka Iyo Ururka
Dhalinyarada ee Beeshaasi.
Shirkan oo ku qabsoomay Huteelka Hadhwanaag Restaurant ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa
uu ahaa mid ay iska xog-wareysanayeen xaalada uu wakhtigan dalku marayo, sidii bulshada loogu
wacyigelin lahaa inay qaataan Kaadhka codbixinta iyo weliba xisbiga uu murrashaxoodu iska soo
sharixi doono doorashada soo socota ee Golaha Wakiillada Somaliland.
Madax-dhaqameedka, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka Iyo Ururka Dhalinyarada Samane ee Beesha
ARAB oo dood iyo falan-qeyn dheer, kadib waxay isla qaateen inay dib ka soo sheegi doonaan
Xisbiga ay murashaxooda ka soo sharixi doonaan, balse may sheegin Saddexda Xisbi Qaran ee
UCID, KULMIYE iyo WADDANI kuu yahay.
Murrashax Dr. Ciise Kayd oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inuu ku taageersan
yahay go’aanka ay Madax-dhaqameedka, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka iyo Ururka Dhalinyaradu
isla qaateen ee ah inaynu ka soo fikiri doono Xisbiga aan iska soo sharixi doono,balse aanay imika
jirin Xisbi aan ku jiro oo saddexda Xisbiba ay ii siman yihiin.
“Waxa muuqata sida aanay xukuumaddan talada dalka haysaa u qiimayn balamihii ay u balan-
qaadeen xiligii ay ololaha doorashada Madaxweynanimada ku jireen”. Ayuu yidhi Ciise.
Aqoonyahan Ciise Kayd ayaa ka hadlay Xisbiga uu jecel-yahay inuu iska soo sharxo mustaqbalka
oo uu ku biiri doono, waxa uu yidhi “Runta marka la sheego magaca mooyee wax ay Saddexda
Xisbi Qaran ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE ay ku kala gedisan yihiin ma jirto. Sidoo kale, ma
jirto wax qoraal ah oo ay ku kala gedisan yihiin haday tahay Dhaqaale, Dhaqan, Caafimaad, Amni,
Aqoonsi-raadinta I.W.M.
Qofka waddaniga ah ee aan qabiil codkiisa ku bixinayna, ma heli karo wax uu ku qanco oo uu ku
kala doorto Xisbiyada.”
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Malaha waxa wanaagsanaan lahayd inay dhowr
doodood oo Telefishanka iyo Radio-ga-ba lagala socon karo ay hoggaanka Saddexda Xisbi qaran
iskaga horyimaadaan si ay umadda ugu sharaxaan waxay ku kala gedisan yihiin…….Ma jirto oo
waxna uma diyaar aha dalkana indho iyo dhago la’i ayay ku wadaan…..Waa doorkii Reer Hebel
ayuunbaa loo tartamayaa. Doorashadiina ma dhawa sidaad sidaad og-tihiin, wax loogu deg-dego
in Xisbi Siyaasadeed wakhtigan loogu biiraana ma arko.”