…Gelbiska Cabdikariin Xinif, Guuxa reer Berbera Iyo Gurmadka Xildhibanaada labada Gole ee Saaxil…
Berbera(GNO) Jan.08, 2016 – Warar Wargeyska Yool ka helay xarunta Gobolka Saaxil, ayaa tibaaxay in magaaladda Berbera uu ka jiro dhaqdhaqaaq Siyaasi ah oo aad uu bedelay dareenka dadka reer Berbera , kaasoo ula jeedadiisa lagu xidhiidhiyey inuu salka ku hayo Istaraatijiyad cusub oo Xisbul-xaakimka Kulmiye u dejiyey Mustaqbalka tirada Xildhibaanada Golaha Wakiiladda ee uu filayo inay uga soo baxaan Degmada Berbera.
Amuurtan oo sida la sheegay ruxday dareenka dadka reer Berbera, ayaa sida xogguhu tibaaxen waxa qasriga madaxtooyadda iyo hoggaanka Xisbiga Kulmiye isla qaateen in hirgelinta Mushruucan loo magacaabo ama loo xilsaaro C/kariim Yuusuf Xinif, ahna Agaasimaha Maamulka iyo Xisaabadka Kumishanka Ka Hortaga AIDS-ka ee Dawlada, waxa Wararku intaa ku dareen in xubintan hadda loo cimmaamaday hirgelinta mashruucan asbaabaha lagu xushay ay kowka tahay kaalintii uu kasoo qaatay hawlgal kan lamid ah oo Madaxtooyadda iyo hoggaanka Xisbiga Kulmiye hadda ka hor ka fuliyeen degmada Berbera, gaar ahaan xilligii lagu gudo jiray ollolihii Doorashadda Golaha deegaanka.
Mudadaasoo sida Wararku tibaaxen C/kariim Yuusuf Xinif uu hurmood ka ahaa xubnihiii hoggaaminayey ashkhaas gaar ah oo loo xilsaaray inay doorashooyinka golaha deegaanka kusoo saaraan tiro aan ka yareyn 8-Xildhiibaan oo kasoo jeeda deegaanka Bariga Berbera. Arrinkaasoo sida xoggaha lagu sheegay markii danbe aan uu dhicin sidii la rabbay, balse haddafkii laga rabbay %75 dhacay sidii qorshuhuu ahaa.
Sidoo kale, wararka iyo xoggaha ku taxaluqa amuurtan, waxa qaarkood tibaaxen si hindisaha qorshahani u meelmaro in hoggaanka xisbiga Kulmiye iyo Madaxtooyaddu ay mar labaad dejiyeen Istaraatijiyad kaloo ay ugu talo geleen inay door ka qaadato sidii qorshahani ku hir-geli lahaa. Waxana sida iluhuu tibaaxen hindisyaasha wajiga cusub kamid ah in la abuuro koox cusub oo ujeedadoodu tahay inay C/kariim Yuusuf Xinif kala shaqeeyan isku xidhka iyo abaabulka bulshada deegaanka iyo sidoo kale, Gaadhi Cusub oo nooca qaaliga ah in loo Iibiyo Mr Xinif.
Dhaqdhaqaaqyadan cusub ee ay hadda lasoo baxeen shoofeerrada Cusub ee Madaxtooyadda iyo Hoggaanka Hagbadda ku helay Xisbiga Kulmiye, ayaa ka sekow cadhada arrintani ay ku abuurtay dadka deegaanka reer Berbera, waxa kaloo, iyana arrintan ka biyo diiday Mudanayaasha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiiladda) ugu jira gobolka Saaxil, kuwaasoo sida ay xuseen Wararka gobolka Saaxil laga helayo, dhawrkii maalmood ee uu danbeeyey iskugu tagay magaalada Berbera si halkaa intaa ay joogaan ugu gorfeeyan dhacdaadan ugubka ah ee ay la kowsaday wajiga cusub ee Kulmiye iyo Madaxtooyadda.
Waxana wararka qaarkood lagu sheegay in Mudanayaasha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiiladda) ee reer Berbera intaa ay ku sugan yihiin kulaamo iyo la tashiyo la sameyn doonaan dhalinyarada iyo waxgaraadka deegaanka, iyagoo sidoo kale-na ku talo jira in la helo Istaraajiyad mideysan oo lagaaga hortagayo ama ay kaga gaashaamanaayan hindisaha xulufada cusub.
Yool