Published:

Guddoomiyaha Degmada

“Wax Booyado Biyood ah oo soo gaadhay Tuulooyinka Cunno Qabbad, Sayla Barri, Masaajidka, Bargo, iyo Sayla Galbeed ma jirto”Guddoomiyaha Degmada Sayla.

satyHargeysa(Waaheen) Guddoomiyaha Degmada Sayla Cabdi Sheekh Xuseen ayaa sheegay in Tuullooyinka hoos yimaada Degmadaasi aanay soo gaadhin wax kaalmo biyood ah oo wasaarada  Maaliyadu ugu deeqday degaankaasi isla  markana  biyihii Wasaarada Maaliyadu ugu deeqday deegankaasi ay biyo Laa’aantu ka jirto wali.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in Tuulooyinka Cunno qabad, Masaajidka, Bargo, Sayla Barri iyo Sayla Galbeed ayaa dhamaantoodana aanay arag Tobankii booyadood ee biyaha ee wasaarada Maaliyada ugu deeqday isla markana dhexda laga leexsaday.

Guddoomiyaha Degmada Sayla Barri Cabdi Sheekh Xusseen oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “ Sidaanu Idaacada Radio Hargeysa iyo Telefeshinada ka daawanay Wasaarada Maaliyada ayaa 10 Booyadood oo biyo ah ugu deeqday Deeganada Gobolka Hawd iyo Degmooyinka hoos yimadda Sida Cunno Qabbad, Sayla Barri, Masaajidka, Bargo, iyo Sayla Galbeed wax biyo ah oo soo gaadhay ma jiran, marka wasaarada maaliyada iyo ciddii soo dirtay waxaanu leenahay Tuulooyinkii biyo la’aantu ka jirta wax biyo ah oo soo gaadhay ma jirto, ee cidii loo soo dhiibay hala waydiiyo, dhamaan tulooyinkaasi oo aan soo maray waxay I waydiinayeen manoo wadda biyihii Dawladu nagu caawisay, marka aniga oo guddoomiyihiina Biyaahasi mahayo meel la geyeye”Ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

News Related