Published:

Shirkada biyaha borama ee shaba oo noqotey meel dadka danyarta ah dhiiga looga miirto.By maxamed jeex

Shaba waa shirkad ku taal magaalada borama oo biyaha siisa isla magaalada laakiin markaad eegto shirkadu waxay qaadatey ceelashii biyaha ee ay dhiseen dawladii ingiriiska iyo somaliya.

Shirkada shaab waxay caanku noqotey iney umada reer borama ay ku qaaliyeeyaan biyaha taasoo aad moodo inaan cidna la xisaabtamin waxay noqotey iney dadka baadhato shacabka reer borama.

Shirkada Shaab waxay noqotey shirkad dhib ku haysa dadka degan magaalada borama gaar ahaan dadka danyarta ah ee aan awoodin iney iska bixiyaan lacagta ay ku soo dalacayaan.

Waa shirkad dadka dhiigooda miirata waa shirkad aan cidi la xisaabtamin waa shirkad umada reer borama dhibaato ku haysa oo qaymahay ay doonto ay ka qaado dadka shacabka ah ee dhibaateysan waa shirkad aan dadka u nixin oo noqotey manaxayaal umadad kadeeday .

Waxaan ku boorinayaa dawlada hoose ee borama waa iney shirkadaas dib u eegtaaa habka ay danyarta amaba dadka reer borama ay ula macaamisho taasoo ah mid muhiim ah waayo? Qiimaha ay ka qaadaan dadka aadbuu u sareeyaa sidaas awgeed waa in dawlada hoose ay soo faragalisaa arintaasi aan macquulka ahayn.

Maaha in dadka masaakiinta laga qaado lacag aaney awoodi karin maaha in sanad walba lacagta lagu badiyo umadad maaha in qofku wuxuuna awoodin la saaro maaha in dadka dhiigooga la miirto maaha in marba wixii la doono dadka laga qaado.

Shirkada shaab iyadoo ceelashii ku heshay bilaash hadana maaha in dadka biyaha lagu qaaliyeeyo oo wax aaney awoodeeda lahayn la saaro.
Allaa mahad leh
By maxamed jeex
Brussels

News Related