Gabileynewsonline.com
Shirqoolladii siyaasadeed Somaliland looga soo maleegayey Muqdishu oo Aan hore u soo bandhignay Hadana soo shaaxbaxay
January 5, 2016 - Written by admin

Kulan uu madaxwaynha Somalia la yeeshay   Hogaamiyaha  Khaatumo Cali Khaliif  ayaa  tuun sii galinaya sida  dawlada Somalia ugu mashquulsan tahay sidii ay u midayn  lahayd   Maakhir niyo Khaatumo  si aakhirka ay ugu  gorgortamaan inay  ka mid noqdaan   Maamul goboleedyada laga hirgalinayo Somalia, si dhinaca kalena  lasykugu dayo in la wiiqo awoodda  iyo isku duubnaanta dawlada iyo shicibka Somaliland.

Kulankan oo aan la shaacin waxa lagu soo qaaday aya sida laga soo xiganayo Warar Facebooga lagu faafiyey ayaa sheegaya inuu kulankan ku saabsana

sidii loogu samayn lahaa Maamul midaysan  beelaha  Dhulbahante iyo Warsangali si ujeedada ugu danbaysa ee laga leeyahayna tahay in Somaliland lagu wiiqo, waana sababta Cali khaliif Galaydh uu markasta   iskugu dayayo inuu caalamka u muujiyo inuu taageerro badan  ka haysto degaamada labadaa beellood.

Shirqoo34e71fdc-5278-4e30-b248-10221a20d8b6ladii siyaasadeed Somaliland looga soo maleegayey Muqdishu ee Gebelineynewsonline idiin soo gudbisey sanadkii hore oo maanta soo shaac baxey. Xasan Sheekh Maxamuud Oo Ogolaaday In La Mideeyo Maamulada Magac U yaalka Ah Ee Maakhir Iyo Khaatumo Si Ay U Buuxiyaan Shuruudaha Maamul-goboleedyada Somalia.

Halkan ka fiirso mar labaad qorshayaashi aan hore idin kusoo gudbiney 31-kii bishii 7-aad 2015 oo maanta hawgelintoodii ka socoto xarunta Dawlada taagata daran ee gacan ku rimiska, Muqdishu.

http://www.gabileynewsonline.com/2015/07/31/shirqoolada-siyaasadeed-ee-madaxtooyada-soomaaliya-loga-maleegayo-qaranka-somaliland-iyo-mogaanta-xukuumada-kulmiye-iyo-mucaaridka/

COMMENTS
Latest News