Gabileynewsonline.com
Somaliland: Laba Wariye oo Khiyaamo Qaran ku Kacay iyo Ururka Suxufiyiinta SECJA Cambaareeyey
January 12, 2016 - Written by admin

 

 

Hargeysa(GNO)-Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee (SECJA) waxa uu Cod dheer ku Cambaareynayaa Fal danbiyeedka dhan  ah Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland ee ay ku kaceen, Wariye Maxamed Cabdi ilig, oo ah Agaasimaha Tv-ga Maxliga ah ee Hctv iyo Wariye Axmed Cabdiraxmaan Xirsi Heelo, oo Gudoomiyaha Wargeyska Sahan, sidoo kale-na ah, Wariye ka Halwgala Telefinshanka HCTV. Labadan suxufi oo Daahir yaa Shamis, uga qayb galay Shir loogu magac daray Horumarinta Warbaahinta Soomaliya, kaasoo hindisaha iyo hirgelintiisaba lahayd Dawlada Federaalka Soomaliya oo uu Madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkaas oo qabsoomidiisa loogu talo galay Warbaahinta ka hawlgasha Maamul goboleedada Soomaliya,  si loogu qanciyo ama loogu daadejiyo Himilada iyo ujeedooyinka laga leeyahay Xeer dhowaan golaha Shacabka Soomaliya ansixiyey, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud-na dhaqan-geliyey. Kulanka labada Wariye ka qaybgaleen iyagoo metelaya, sida loo dhigay Nuxurkii Shirka kasoo baxay Somaliland oo ah maamul goboleed ka tirsan Soomaaliya, waxa kasoo qayb galay xidhitaanka shirka, hadalana ka jeediyey Raysal wasaare-ku-xigeenka Dawlada Soomaliya Maxamed Cumar carte, wasiirka Warfaafinta Dawlada Federaalka Soomaliya Maxamed Cabdi Maareeye, Wasiirka Waraafinta Maamul Goboleedka Puntland, Wasiirka warfaafinta Maamul goboleedka Galmudug, wasiirka Warfaafinta Maamul goboleedka Shabeelaha dhexe iyo Wasiirka Warfaafinta Maamulka Jubland, xubnahaas ama masuuliyiinta kor ku xusan, waxa ay madasha ka cadeeyen in shirkan loo qabtay Warbaahinta ka hawlgasha maamulada iyo deegaanada Jamhuuriyadda Soomaliya ka kooban tahay, sidoo kale, iyagoo hogo-tusaaleynaya mabadiida iyo ujeedada loo abuuray ama loo curiyey Xeerka Warbaahinta Soomaliya , waxa ay cadeeyeen in Xeerkani anfacaayo warbaahinta Soomaliya ka hawlgasha, laguna dhaqayo ama loo raaco dacwadaha loo haysto warbaahinta ama suxufiyiinta, sidoo kale, madaxda dawlada Federaalka Soomaliya waxa ay sheegen inay shirkan goob-joog ku yihiin qaar kamid ah Ururada Suxufiyiinta ee maamul goboleedyada Somaliya, sida Ururka Suxufiyiinta Nusoj, Ururka saxafiyiinta gobolka Sh/dhexe(Misja) iyo sida lagu sheegay War qoraaleed kasoo baxay shirka suxufiyiin Somaliland ka socota, Kuwaasoo kala ah Wariye Maxamed Cabdi ilig, oo ah Maareyaha Tv-ga Maxliga ah ee Hctv iyo Wariye Axmed Cabdiraxmaan Xirsi (Heelo) Gudoomiyaha Wargeyska Sahan.

Haddaba, sida ku cad Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xeerarka dalku, waxa reeban, isla markaana fal danbiyaad Khiyaamo qaran ah noqonaaya Cidkasta Somaliland uu dhalatay oo ka qaybgasha shirarka siyaasada iyo Bulshada rayidka ah ee ku isnam magaca Soomaliya, cidkasta ha u qabatee. Qodobadaas sharci waxa ay si gaar ah uu khuseeyan Madaxda dhaqanka, Ururrada Bulshada rayidka rayidka ah, Siyaasiyiinta iyo cidkasta oo magac leh oo Somaliland uu dhalatay, oo uu hanqal taagta shirarka iyo kulamada Beesha caalamku uu qabato Soomaliya.

Sidaas darteed, Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee (SECJA), isagoo ixtiritamaya jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland, rabitaanka Bulshada iyo haykalka dawladnimo ee Somaliland, waxa uu ugu baaqaya Xukuumadda uu madaxweynaha uu yahay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waaxda Garsoorka iyo goloyaasha sharci dejinta in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado labada wariye ee kor ku xusen, kuwaasoo sida xeerarka dalka ku cad ku tallaabsaday fal danbiyeed Khiyaamo qaran ah.

Sida aynu la wada socono xukuumadda Somaliland fal xadhig ah hore ugu fulisay Fanaaniin Somaliland u dhashay oo magaalada Muqdisho fan-masraxeed kusoo qabtay, kaasoo marka si loo eego ah balwo ka madaxbanaan siyaasad, hase-yeeshee, ujeedadu ay ahayd fulinta sharciga dalka iyo in loo quus goynaayo cid kasta oo u hanqal taageysa marinkaa qalooca ee Soomaliya.

Haddii xukuumadda Somaliland iska indho tiro oo  ay tallaabo ka qaadi weydo labadan suxufi, waxa Ururka SECJA iyo Bulshada reer Somaliland-ba u fasiran doonaan gudidii isku socodka Somaliland iyo Soomaliya ee dhowan madaxweyne Siilaanyo magacaabay ujeedada keliya ee laga laha ahayd mid lagu jebinaayey Xeerarkuu dalka ee Mamnuucayey in mawadiinta iyo ururrada raiydka Somaliland ka qaybgalaan shirarka Somaliya, isla markaana socdaalka labadan wariye uu arrinta uu yahay barbilow. Ururka SECJA waxa uu cadeynayaa wixii arrinta ka yimaada in aan loo raaceyn Saxaafadda Somaliland, hase-yeeshe ay ka war sugayaan tallaabada Xukuumaddu ka qaado.

Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SECJA.

Yaasiin Jaamac Cali

Office Hargeysa, Somaliland

COMMENTS
Latest News