Dad badan oo reer Somaliland ah oo sii mara degmadda Togwajaale sidoo kalena dhib kala kulma dawladda somaliland iyo kililka shanaad marka ay u shiraaqdaan khadka tahriibta ee mar mar Socodka iyo Rafaadka badan .

Sida aynu la Socono waxaa Sanadkii tegay ee 2015 uu ahaa sanad ay dhalinyaro badan u jarmaaday dhinaca tahriibta taasi oo dhalinyaro badan oo reer Somaliland ihi ay Mareen Magaaladda Togwajaale oo ah Marinka koowaad ee dhalinyaraddaasi oo iskugu jiray Rag iyo haween qaarkoodna ay ahaayeen dhalinyaraddii jaamacaddaha dalka ka qalinjabisay ee camal la,aantu dalka ku daashatay ayaa sanadkii galbadday u qorsheystay dhinaca tahriibta waxaanay intii eebe u sahlay ay galeen dalalka yurub halka qaar kalena ay ku rafaadeen tahriibtaasi dhib weynina kala kulantay deegaanaddii ay marayeen.

Xukuumadda Somaliland ayaa iyadu iyo laamaha Booliska ee u xilsaaran tahriibta ayaa noqday kuwa ka mid ah dhib geystayaasha dadkaasi qulqulaya iyagoo ka leexday sharcigii saldhiga Degmadda Togwajaale ee ku yaala qarka soke ee Somaliland waa halka Koowaad ee dadkaasi lagu dhibo waxaana dadkaasi inta qaarkood la qabto laga qaadaa laaluush iyadoo eheladoodiina aan lala xidhiidhin ee balse noqday meel lagu baadho dadkaasi laguna dhaco had iyo jeer.

Saldhiga dhexe ee degmadda Togwajaale oo saldhigyadda ugu xun ee ugu jidh dilka badan maxaabiista Somaliland waxaad arkaysaa qof maxbuus ah oo sedex caano maal aan wax cunin oo haddana albaabkana laga furin musqul aan loo ogolayn oo caafimaad darrida meeshaasi u sii dheertahay oo haddana Booliska halkaasi joogaana waxay noqdeen eey Hilib arkaysa oo isku soo urursadda jidh dilka maxaabiista taagta daran ee saldhigaasi ku sugan.

Dhinaca kale waxay Koox ka mid ah shabakadda Gabileynewsonline ay maalintii sanadka cusub ee tegay ay si weyn ugu dhabo gashay saldhigaasi degmadda Togwajaale waxaanay ku arkeen khad kale oo Tahriibeed ee ka dhex jira saldhiga gudahiisa khadkaasi oo ah Dadka itoobiyaanka ah ee tegaya dalka sucuudiga ee soo mara meesha dhib weyn ayaa iyana meesha ka qabsata inkastoo ay Somaliland mamnuucday dadkaasi ina dhex socda haddana saldhiga degmadda Togwajaale wuxuu noqday meel inta dadkaasi lasoo qabto lagu haysto 10 cisho iyadoo aan dib loo celinin markiiba ee hantida ay sitaan lagu dhaco.

Nin ka mid ahaa Qoomiyadda Amxaarka oo la yidhaahdo Axmed ayaa iisheegay inuu dhameystay waxbarashadiisii Dugsiga sare markuu joogay Gobolkiisii wuxuu ninkaasi oo ahaa nin dhalinyaro ah uu iisheegay inuu xirfadda nijaarista ku darsadday aqoontiisa islamarkaasna uu ka dib mar hore uu u tahriibay dalka sucuudi Arabia waxaanu iisheegay inuu ka gallay dhinaca jabuuti magaaladda Obokh deetana uu doon raacay aad u cidhiidhi badan 3 saacadood ay socotay ilaa Makkalah Yemen halkaasina uu ka gallay sucuudiga socdaalkiisii ka dib uu ku shaqeystay xirfaddiisii nijaarnimo ka dib iyagoo 2000 oo qof ah lasoo mastaafuriyay Diyaaraddi kasoo qaaday Riyaad caasimadda Sucuudiga waxaanu sheegay inay diyaaradaasi keentay Magaaladda Addis ababa ka dib uu mar labaad qorsheystay inuu dib ugu laabto sucuudiga ninkaasi oo iigu waramayay afka carabiga ah ayaa iisheegay inuu nin Askari ah oo ka Tirsan Saldhiga Degmadda Togwajaale uu gaadhigii kasoo dhaadhiciyay isla markaasna lacag uu sitay uu ka qaaday ka dib saldhigii uu ikeenay ayuu yidhi waxa uu iisheegay inuu halkaasi ku xidhnaa muddo ilaa 5 cisho ah islamarkaasna baasaboorkiisii iyo lacag kalena lagaga xareeyay saldhiga waxa uu intaa uu raaciyay inuu ka codsadday inay dalkiisii dib ugu celiyaan balse layga reebay Koox ay immigrationka wajaale ay dib u celinaysay ayuu yidhi.

Dadweynaha Degmadda Togwajaale oo dadka itoobiyaanka ah ee soo dhex mara u yaqaana Karaatoon ayaa magaaladda Togwajaale gudaheeda u samaystay sandaqado lagu ururiyo dadkaasi waxaana soo qaada Gawaadhi Noahayaal ah oo Kuraastii laga furay waxaana gaadhigiiba uu soo qaadaa ilaa 30 qof ugu badnaan ugu yaraan 25 qof iyagoo soo jarmaada habeenkii dhinaca Kontrooladda ee Somaliland askarta halkaasi joogtana waxaad arkaysaa Dirawalkii oo Degaya oo wax yar u laabaya ninkii Dirayska sitay 100 ilaa 200 oo bir haddii ay ugu badato ka dib waxay keenaan Magaaladda Hargeysa istaanka Burco waxaanay ka qaadaan dadkaasi lacag gaadhaysa marka ay Hargeysa keenaan ilaa 8 boqol oo Bir qofkiiba .

Dawladdu haddaba arrimahaasi dhacaya maxay kala socdaan Way ogyihiin waxaad arkaysaa ku Arkaysaa Gaadhigii Saldhiga Gabiley oo Noahayaal Eryanaya Habeenkii wakhti dhulku madow yahay waxaanay habeen Eryadkaasi keentay shil xun oo ku dhacay habeen ka mid ah sanadkii tegay oo galaaftay gaadhigii saldhiga oo si xun loogu dhaawacmay waxaana loo soo jiiday xeradda gaadiidka ee Booliska ee ku taala Magaaladda Hargeysa .

Haddaba dhibta weyn ee Meesha taalaa waxa weeyaan Taliyayaashii Saldhigyadda ee Gobolka Gabiley waxay noqdeen kuwo U Shaqeeya Magafayaasha Labadda dhinac ee Somaliland wax ka tahriibisa iyo kuwa kasoo tahriibiya Itoobiya .

Wariye Mohamed mussa inji

Hargeysa

Somaliland

La Soco Qormadda Danbe

Email mahamad95@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here