War-Dag-Dag Ah:-Gaadhi Siday Dad Ka Soo Jeeda Dalka Ethiopia Oo Dhacay,Kana Dhasheen Dhimasho Iyo Dhaawac.
Hargaysa(GNO)Wadada isku xidha Magaalada Berbera iyo Hargaysa ayaa waxa ku dhacay Gaadhi Siday dad ajihanib ah oo u dhashay dalka Ethiopia,waxaana lagu soo waramayaa inuu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac,waxaana Goor dhawayd la keenay Cusbitalka Guud Ee Magaalada hargaysa,
wararka hordhac ah ee soo gaadhaya Salaanmedia.com ayaa tilmaamaya in gaadhigan Siday Dadka u dhashay Ethiopia lagana keenay Magaalada Burco,waxaana lagu siiwaday Magaalada Wajaale oo Somaliland iyo Ethiopia ay Xadka ka Wadagaan.
Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Oo Warbaahinta u Xaqiijiyay Markii Ay La Laxidhiidheen Ayaa Xaqiijiyay Gaadhigan ku dhacay inta u dhaxaysa Magaalada hargaysa iyo Berbera,waxaana uu cadeeyay inuu ku dhintay hal askari iyo Hal Qof,waxaana ku dhaawac may 10 qof oo dhaawacoodu aad u liito.
oo Xidhiidho Badan Samaysay Umay Suuro galin in ay War faah-faahsan Laamaha Amaanka ka hesho,waxaana ay dad goob joogayaal ahi sheegayaan in dhimishadu ay ka badan karto 2 qof,balse macad ilaa had.
warkaasi oo faah-faahsan waxaanu idiin soo gudbin doonaa wakhtiyadda Soo Socda,waxaana ay dhacdadani ku soo beegmaysaa wakhti ay Somaliland laga Mastaafurinayo dadka aan u dhalanin ama aan sharciga haysan.