• Waxa halkaa isgu yimi, xaflad
    lagu gorfaynay, saaadaashaa Sanadka Cusub iyo Somaliland
    Sanad wanaagsan dhamaantiin, dhamaan shacabka Somaliland
    Waxan Ilaahay aan ka baryaynaa in uu noqdo mid khayr qaba.
    Somaliland, Arimo badan ayeynu fileynay in aynu dhamaysanao sanadkii
    hore, oo hawshooda aynu ka faraxalano.
    Waxa ka mida oo aad loo fileyey in Gobalka Gabiiley uu noqdo mid hir gala
    si buuxdo, dhamaan sharciyada wadanka heer kasta.
    Dawlada Kulmiye, waxyaalihii ay u balan qaaday, reer Gabiiley, waxa ugu
    waa weynaa, in Gabiley noqdo Gobol ka mida gobolada Somaliland, Sida
    gobolka Saaxil iyo Awdal.
    Dadkii gobolka ka soo jeeday, e mansabka ku helay magaca reer Gabiiley,
    ee ku jira, goolaha wasiirada iyo golaha wakiilada iyo kan guurtiduba ay
    ku guuldaraysteen ka midho dhalintii, cadkii faraha weynaa ee aynu ku
    soo saarnay.
    Waxaanu leenahay, fursadii ugu dambeysay, waxa haysataan, sanadkan
    curtay, 2016. hawl-gala oo balanqaadkiinii ka soo baxa. Hadii kale
    mustaqbalkiina siyaasadeed, waxa saarann, calaamatul-su’aal weyn.
    Dadkii tashuush ayaa lagu furayaa. Kolba war aan sugnayn ayaa loo
    sheegayaa. Beri dhawayd, Badhasaabka Gabiley wuxuu
    yidhi…”gudoomiyaha parlamentka ayaa hor jooga, Gobolkii Gabiley in
    dastuurka lagu xariiqo”. Arintani markii aanu dhuuxnay, waxa cadaatay
    in Xuukumada lafteeda ay arintan ku leedahay lug. Way dhayalsanayaaan
    reer gabiley.
    Imika waxa jira, labaatan nin oo mushahar ku qaata, magaca isku-
    duweyaasha, wasaaradaha gobolka.Lacag lagu qiyaasay gfu yaraan $50,
    000 (konton kun oo dolar) ayaa bishii ku baxa. Iyo intaas oo kharasha oo
    la leeyahay waa xisaabtii gobolka. Waa lacagtii aynu ku hagaajisan lahayn,
    caafimaadkeen, Dugsiyada, biyo nadiifa oo aynu helno jaamacad iwm.
    Walaalayaal waxaanu leenahay in Sanadkan 2016, uu noqdo sanadkii
    Gabiley. Arintani, qof qudha musuuliyadu ma saarna. Laakiin dhamaan
  • waa in laga wada shaqeeyaa. Hadhoow, is xisaabin iyo qiimen ayaa
    imanaysa. Markaa Barbarka ay ka baxadaa bakaylo-qaleen ah.
    Shir weyn ayaa lagu qabanayaa, bisha march 2016. Waxa isgu imanaya
    dhamaan, dhalinyarada gobolka Gabiley ee degan Scandinavian’ka oo
    dhan.
    Alaa mahad leh
    Gud. Dhalinyarada bardaale,
    Norway
    C/rixiin Sh. Daa’uud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here