Hargeysa(GNO)-Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleeban Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa xadhiga ka jaray Maanta xarun caafimaad oo ay Wasaaraddiisu ka hir-gelisay Deegaanka Dacarta oo ka tirsan Degmada Faro-weyne, sidoo kale waxa uu wasiirku soo indho indheeyey Mashaariic kale oo Deegaankaas wakhti hore laga bilaabay, balse wali qabyo ah, gaar ahaan dhaam Biyood muddo shan sannadooda ka hor halkaa laga qoday aanay dhamaystirin hay’adii fulinaysay, isla markaana ilaa wakhtigii howshiisu istaagtay dawladdu aanay ka ag wareegin, sida ay Maamulka Deegaanku sheegeen.
Munaasibada furitaanka Xannaanada Deegaanka laga dhisay, waxa ka qaybgalay Wasiirka Caafimaadka, Guddoomiyaha Degmada faro-weyne, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada, Waxgarad iyo aqoonyahan ka soo jeeda Deegaanka.
Guddoomiyaha Degmada Faroweyne Faysal Axmed Jaamac, iyo xubno kamida Odayaasha Deegaanka oo ugu horayn Xaflada hadalo ka jeediyey, ayaa Wasiirka iyo xukuumadda uu ka tirsan yahay uga mahad celiyey hir-gelinta Mashruucan Caafimaadka Hooyada iyo Dhalaanka loogu talo-galay, waxaanay tilmaameen inay Deegaanka baahiyo badan oo dhanka Adeegyada aasaasiga ahi ka jireen, mashruucanina kamid yahay kuwa loogu baahida badnaa, maadaama oo aanay hore uga dhisnayn xarun caafimaad, deegaankuna yahay mid aad u balaadhan.
Maamulka iyo Odayaasha Deegaanku waxa kale oo ay dawladda ka dalbadeen in loo dhiso adeegyada kale ee ka dhiman, sida Saldhig Boolis, Dugsiyada waxbarashada oo loo kordhiyo, iyo in sida ugu dhakhsaha badan loogu dhamaystiro Dhaam biyoodka qabyada ah ee Deegaankaas loogu talo-galay inay Biyaha Roobka kaga faa’idaystaan.
Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo kamida Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ee laga soo doortay Gobolka Maroodi-jeex, oo Munaasibada ka hadlay, ayaa Wasaarada Caafimaadka ku amaanay u darbanaanta daadejinta adeegyada Caafimaadka, isagoo xildhibaanku si gaar ah ugaga mahad celiyey Wasiirka xaruntan laga dhisay Deegaanka ugu badan ee uu codka ka helay markii la soo doortay.
“Wasiir Deegaankan waa deegaankii markaad murrashaxa Madaxweyne ahayd xubnaha golaha dhexe kaga jiraa codkooda si buuxda kuugu taageereen, waxaanan hubaa maanta hadaad madaxweyne isu sharaxdana inay codkooda oo dhan kuula diyaar yihiin. Waxaan aad iyo aad kaaga mahad celinayaa waxqabadka muuqda ee aad gobollada dalka oo dhan ka fulisay iyo sidaad baahiyaha deegaankan ee caafimaadka uga jawaabtay, waxaanad tahay sidaa lagu bixiyey Calan toosiye”ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dr. Saleeban Xaglo-toosiye, oo gabagabadii Munaasibadaas ka hadlay, ayaa Bulshada deegaanka ku booriyey inay si fiican uga faa’idaystaan adeegyada caafimaad ee Xannaanadan lagu bixin doono, waxaanu ku baaqay inay haweenku si gaar ah ugu xidhnaadaan Xannaanada xilliga Uurka iyo mar walba.
Wasiirku waxa kale oo uu balanqaaday inay Dawladdu u shaqaalaysiinayso lix qof oo ka shaqeeya Xannaanada, kuwaasoo isugu jira Umulisooyin, Kalkaaliyeyaal iyo howl-wadeeno ka le, kuwaasoo lagu tababari doono Shaqada, qaarna lagu xulan doono xirfadahooda. “Reer Dacarta waxaan leeyahay Xannaanadaa idinkaa leh ee Ilaalshada, oo ku xidhnaada, oo waliba Haweenka iyo Caruurta ku soo xidha, tallaalbaa laga bilaabi doonaa halkan ee waa inaad si wanaagsan uga faa’idaysataan”ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirka Caafimaadka Saleeban Ciise Axmed, waxa uu sidoo kale Maamulka Degmada iyo bulshada ku wareejiyey xidhmooyin Daawo ah oo sida uu sheegay lagu bilaabi doono shaqada xannaanada, taasoo uu saraakiisha Caafimaadka ee degmada ku amray in lagu sii shaqeeyo inta la soo dhamaystirayo Qalabeynta xanaanada.
Geesta kale, waxa uu Wasiirku kormeeray Dhaam biyoodka Deegaanka, kaasoo uu Wasaarada Biyaha ugu baaqay inay deg deg u soo faro-geliso, isla markaana ka caawiso Dadka deegaanka sidii loogu dhamaystiri lahaa, maadaama baahida Biyuhu aad u sarayso Degmada oo dhan. “anigoo gaadhsiin doona Wasiirka Biyaha cabashadiinan ku saabsan harro-biyoodkan qabyada ah, waxan halkan u marin lahaa Wasiirka iyo wasaarada Biyaha inay arrintan deg deg u soo faro-geliyaan” ayuu yidhi.
Ugu dambeyna waxa uu Wasiir Xaglo-toosiye halkaa kaga dhawaaqay inay abaar ba’ani ka jirto Degmada Faro-weyne, isagoo Xukuumadda iyo Hay’addaha gargaarkaba u soo jeediyey in gurmad loo fidiyo Bulshada halkaa ku dhaqan oo ay dad iyo duunyaba saameysay abaartu.
Guddoomiyaha Degmada Fayroweyne Faysal Axmed Jaamac iyo Xildhibaan Warfaa ayaa iyaguna baaq la xidhiidha Abaaraha halkaa ka diray, waxaanay tilmaameen inay heerka abaarta oo saraysa darteed dadku halis ugu jiraan nafo daro iyo macaluul, halka ay Xooluhu joogsadeen bilo ka hor, sida uu sheegay Guddoomiyaha Degmadu.