Saawirtii Ayayday Qalinkii Maxamed Yaasiin Maxamed
January 18, 2016 - Written by admin
aan wax sidaa u sii badan dili jirin haday dagaal ama ugaadhsi ay noqoto,bal eeg may jirin cagafta dhulka xaalufisay,miinshaaraha dhirtii gumaaday,lama aqoon dhuxusha iyo isticmaalkeeda,baabuurtan dhulka xaagaafyada biyuhu ka qulquleen inoo samaysayna lama aqoon,baraago hadalkood daa iyo gacamo loo jeexo,hubkan darandooriga u dhaca ee ay ugaadhii ka durugtayna waxaay noqotay aafo kale,dhamaan waxaasoo dhami udugtii,jidhaamihii iyo caraftii dhulkay kexeeyeen,hobhotii dhafaruurtii,midhcaanyadii,madheedhkii,shabkaxdii iyo dhamaan qadhaabkii dhulka ee aynu guran jiray intaan xoolaha la joogno yaa maanta meel kaga waramaya,
xaaladaha iyo noloshu iyadoo sidaas ah aadna loogu faraxsan yahay ayaa haddana lagu nimcaysnaa dadkuna samo u wada yaaleen,guriga ayayday waxaa ooli jiray saawir ay lahayd taasoo ay iiga sheekaysay sidii ay ku soo gashay iyo sidii ay saawirta ku noqotayba, waxay tidhi ayayday,aabahay ayaa gurigayaga keenay dayrtii biyo roor ee dadba u hayaamay lebidii shan la mood,xiligaasoo barwaaqo ahaa ayuu ka soo tuntay farsamo yaqaankii gacantiisu toolmoonayd ee tuncadeeye,wuxuu ahaa daabkeedu daab madow oo lebi laga qoray,qiimaheeduna caantayn iyo bowlad ayuu mid ahaa hadaan caanadi dheerayn,waxaanay soo raacday alaab ay hooyadayn arooskaygii isoo raacisay,waan ku liibaanay waxaanay ahayd shayga keliya ee gacan qabsi iyo halgaadba i horyaala,dhuunigana noo xalaaleeya,mudo kadib waxay noqotay raawis,aan beer ceedhiin kala goyn karin,lisin, soofe iyo dhagax midna agtayda kama dhawayn,anana hawd iyo guntii ayaa noo degaan ahaa,magaalana warkeed daa oo xitaa dhardhaaradayadu dudumooyin ayay ahaayeen,saasoo ay tahay waxay ii noqotay muhiim inay shaqo uun ii qabato,noloshii reerka ayaanay qaybteeda qaadatay,waxaanan markaa kadib u isticmaalay maryaha ay caruurtu ku xaaraan inaan xaarka kaga jaro taasna dumarku waxay u yaqaanaan xaar bi’is,wax kasta oo gabooba ama raagaana waa sidaa oo hawl gab ayay noqdaan sidaasay ayeeyo raawis ku noqotay,maantana waataa waanad u isticmaali kartaa sidaa iyo sidii kale ee ay wax kuugu tari kartaba waxaase cad in ay qolqolka uun taalo
wataa raawistii ayayday welina meelo adan ayay maanta taalaa shaqooyin badana way haysaa weliba meelo aan looga baahnayn ayay afduub ku joogtaa khasabna cid ayaa daabka ku haysa,hadaad aragtay adiguna anaa huba inaad arkaysee isasoo dhaafi
wa bilaahi towfiiq
Qalinkii maxamed yaasiin maxamed
Antwerpen Belguim