Waxaan halkan ka iftiiminayaa habdhaqankii hore iyo kan hadda ee guddida doorashooyinka qaranka soomali land.by maxamed jeex .
Guddiyada soo taxnaa ilaa waqtigii cigaal ilaa hay naxariistii Jannadana ha siiye waxay ahaayeen kuwa hufan oo laga ilaaliyo wax kasta oo tuhun gelinaya natiijooyinka ka soo baxi doona dorashooyinka qaranka ummada reer soomali land si ay ugu kalsoonaadan.
Habdhaqaankaasi waxay ummadan u soo hoysay guula badan oo maanta ah wax samcadwanaagsan adduunka Uga diiwaangalay , haddaan tusaale u soo qaato waqtigii madaxwayne riyaale xubintii komishanka ee gobolka awdal kasoo jeeday ayaa mar loo soo xulay xubin ka soo jeeda gobolka maroodi jeex ,madaxwayne rayaale wuu joojiyay xubintii gobolka hargeysa ilaa la soomagacaabay xubin hayb ahaan ka soo jeeda gobolka awdal, taas oo ahayd ilaalinta la dhawrayo kalsoonida lagu qabo komishanka doorashooyinka,
Haddaba xubnaha ka soo jeeda gobolka awdal ee komishanadaa hore iyaguna waxay ku dhaqmi Jireen sunahaas oo kale oo waxay gobolka awdal iyo degmada Boorame ee magaalo madaxda gobolka Ahba laba xubnood oo hayb ahaan aan ka soo jeedin haybta xubinta komishanka guud ku jirta .
Waxaa hadaba dhacay komishanka guud waxaa gobolka awdal ka soo jeeda saygoon , Saygoon waa nin qurbaha ku raagay intii horena aan xamar soo dhaafin waa nin aanu dadaalbadani ka gelin ummadan ilaahay wada dhaliyay sidii lagu walaaleeyay sidii jabhadihii loo Qarameeyay ,ee aanu waxba kagaranayn waayo aragnimana aan ulahayn geedi socodkaa ay ummadani u soo martay sidii ay dab Uga dhigi lahayd himilooyinka ay hiigsanayaan oo Rabbi mooyaane cidkale oo qallindaarikartaa aanay jirin, waxaa mr,saygoon gudoomiyaha komishanka gobolka uu ka dhigay inan uu adeer u yahay , waxaa kale oo uu gudoomiyaha komishanka degmada uu ka dhigay xubin kale oo ay isku hayb yihiin taas oo aad u Baal marsan hab dhaqankii komishanadii hore, Hadaba waxaa iswaydiinleh sidee loogu kalsoonaan karaa kommishinkaa habdhaqankaa leh ee aan ognahay inuu Ina adeerkii xisbiga wadani ka sharaxayo oo uu heshiisya hoose ay jiraan oo uu iska dhaadhicinayo siyaasadiisa dhediga ah ee caadifadaysan ee aan qaangaadhka ahayn inuu Uga afduubi karo reerkooda waxa ummadan ka dhexeeya si ay guula aan sax ahayn u gaadhaan oo dadka kale ee gobolka degganna loogu cidhiidhiyo is diiwaangelinta si codkooda loo yareeyo,wataas wuxuu ku fikiraayo MR: saygoon oo ah shaqsi ay qabyaaladi dhaxmartey.
Sidaasi darteed ninka la yidhaahdo SAYGOON ee ah nin qabyaalad iyo eex, qudhun iyo wmi ee durbaba ku dhaqmay kana sameeyey gobolka awdal iyo salal makaasbaa cadaalad ka sameyn doona degaanka su,aashu waa maya,hadaba anigu waxaan odhanlahaa dadka gobolka degani ha iska ilaaliyaan shirqoolka uu wado ninkaas caloosha kabuki wuxuu doonayaa codkiina inuu aaso oo uu dhibaateeyo laakiin dadka dhulka iska low arintaas ka hortega.
Hadaba waxaan xubnaha kale ee komishanka aan kula talinlahaa inaan la idinka aqbalay inaynaad kala garanay siday beeluhu kala yihiin oo aad dhawrataanna samcadiina guddi nimo siqoto dheerna wax u eegtaan si ay ummaddan kalsoonideeda u heshaan, haddaydaan sidaas wax u garanayn idinkay ceeb idinku tahay oo aan xaq ulahayn inay ka taliyaan wax saamayn Waynku leh masiirka ummadan somaliland .
Allaa mahad leh
By maxamed jeex
Brussel.