Waxaan hambalyayneynaa suldan abshir oo durba gartey waajibka ka saaran shacabkiisa degan gobolada awdal,salal iyo gabiley oo ku buurinaaya iney qaataqn kaarka diwaangalinta somaliland.By maxamed jeex
Qurba joogta ka soo jeeda gobolada awdal,salal iyo gabiley oo maanta shir ku qabsaday magaalada den haag ee dalka hollan ayaa waxay aad u hambalyeynayaan suldaan abshir oo durba ugu anbabaxay degaanka aadka u balaadhan ee xeebta lughaya iyo baki ugu ambabaxay sidii wacyigalin shacabkiisa iyo degaanadiisa.
Sidaasi darteed qurba joogta culculus ee u dhalatey degaankaas waxay ku amaanayaa suldaan abshir talaabadaas wanaagsan ee uu durba bilaabay iney tahay mid lagu daydo oo ay ku daydaan salaadiinka kale ee gobolku si dadka loo dhiiri galiyo.
Shirkaa aan caadiga ahayn ee ay iskugu yimadeen qurba joogta degan wadamada Holland ,luxemburg iyo Belgium oo ay kamid yihiin raga magaca ku leh wadamada yurub oo kamid ah axmed aw cabdi xudhuun, muuse aw xasan migil, sheekh haybe dhameeye,maxamed jeex aw yoonis iyo cali cabdi amin oo isna ka yimiday dalka canada dhamaantayo waxaan ku buurineynaa umada degan gobolada kor ku xusan waa iney si fiican uga ka qayb qaataan diwaangalinta ka bilaamaysa wiika soo socda galbeedka somaliland.
Waxa kale oo aan ku buurineynaa salaadiinta waawayn ee degaanka waa ineysida abshir oo kaleh ay sameeyaan oo ay dadka wacyigaliyaan umadana ay u sheegaan iney muhiim tahay in la qaato sharciga taasina ay tahay mid u dan ah degaankeena mid u dan ah shacabkeena mid u dan ah dadka u dhashay dhulka sidaasi darteed waa in laga faa,iidaystaa oo la qaataa kaarka jinsiyada iyo ka codbixintaba.
Gabagabadii waxaan ugu baaqaynaa cod dheer iyo mid gaabanba waa in dhamaan bulshadu ay ka wada qaybqaadataa is diwaangalinta.
Allaa mahad leh
By maxamed jeex
Brussels.