Published:

guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland ahna guddoomiyaha Xisbiga Wadani iyo wafdi hoggaaminayo mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi.IMG_4453

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xafladan oo ka dhacday Hotel Future Inn ee badhtamaha Magaaladda Bristol ayaa waxaa ka soo qayb galay taageerayaasha Xisbiga Wadani ee magaaladda Bristol iyo Garabka Isbahaysiga KULMIYE ee Bristol oo madasha laga cadeeyey in aanay ku biirin Xisbiga Wadani balse ay maamuus ugu yimaadeen Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee booqashada ugu yimi magaalada ay degan yihiin, xildhibaanad Somaliyad ah oo Golaha Deegaanka ku jirta lagana soo doorto xaafada Lawrence Hill ee Bristol Cllr Hibaaq Jamac iyo dadweyne kale.IMG_4451

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wafdigan guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland waxa safarkiisa Bristol ku wehelinayay xubno ka mid ah Golaha Wakiiladda Somaliland Xildhibaan Rayte iyo Xildhibaan C/raxmaan Xoog, waxa sidoo kale wehelinayay Maxamed Cismaan Fadal oo ah xoghayaha arrimaha dibadda ee Xisbiga Wadani, Xuseen Aadan Cadde oo ah guddoomiyaha xisbiga Wadani ee UK iyo Dhaqaaleyahan Daakir.IMG_4477

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ugu horeyn waxa wafdiga ku soo dhoweeyey Guddoomiyaha Xisbiga Wadani ee magaalada Bristol Cabdi Iimaan oo sharaxaad ka bixiyey qaabka uu u shaqeeyo xisbiga Wadani ee Bristol mudadii koobnayd ee uu xilka guddoomiye hayayna kasbaday taageerayaal badan.IMG_4503

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa sidoo kale hadalo soo dhoweyn u badan u soo jeediyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna guddoomiyaha Wadani xubnihii Isbahaysiga iyo odayaasha Bristol oo uu kow ka yahay Oday Muumin, Cabdi Diiriye iyo Oday Xasan Haaruun.IMG_4498

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa iyaduna khudbad dhinacyo badan taabanaysa madasha ka jeedisay xubin Golaha Fulinta ah Marwo Layla Muuse Qulunbe oo aad ugu dheeraatay in aan Xisbiga Wadani marnaba ka caajisin mashruucii khayriga ahaa ee uu bilaabay oo ay hogaamiye ka tahay.IMG_4550

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sabaax Cige oo ah afhayeenka Xisbiga Wadani ee Bristol oo xaflada ka hadashay waxay aad ugu dheeraatay in aanu Xisbiga Waddani ahayn xisbi qabyaaladeed ee uu u furan yahay dhammaan bulshada Somaliland oo dhan.IMG_4467

Waxa isaguna xaflada ka hadlay Maxamed Carab Wacays oo ah xoghayaha guud ee Xisbiga Wadani ee UK oo sharaxaad faahfaahsan ka bixiyey qaabka uu xisbiga Wadani u shaqeeyo iyo inay guud ahaan UK ku leeyihiin 20 laamood, magaalada Bristolna tahay laantii koowaad ee Wadani ee UK. Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Bristol waa laanta koowaad ee Wadani ee UK, iyadaana u horeysa xaga dhaqaale ururinta iyo is agaasinka xisbiga in kasta oo ay jiraan laamo kale oo ku daba jiraa” sidoo kale waxa uu sheegay in bishan January 15, 2016 Xisbiga Wadani ku soo bandhigi doono buugiisi doorashada magaalada London oo afka Ingiriisagana lagu turjumay markaa dhammaan in laga soo wada qayb galo ayuu ka codsaday taageerayaasha Waddani”.IMG_4576

Waxa isaguna xaflada ka hadlay mudane C/raxmaan Xoog oo ay Oday Cabdi Diiriye kula kaftamay inuu baahiyaha biyaha aad uga hadlo ayaa sheegay in aanu ka hadalka biyaha ku koobnayne uu ka ka hadlo tacdiyada ciidamada RRD-du bulshada u geystaan, sicir bararka bulshada naafeeyey oo uu sheegay wakhtigii la doortay Golaha Wakiilada mushaharkoodu ahaa $ 500 Dollar hadana ay ka werweraan mushaharkooda oo ah $ 3000. Sidoo kale waxa uu sheegayin dawladda KULMIYE ay lacagta Somaliland soo daabacdo, dabadeedana dollar u bedesho ka bacdi siyaasiyiin aanu cararbaabin guryo kaga iibsadaan Qurbaha.IMG_4560

Ugu danbayn waxa hadalka la wareegay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland ahna Guddoomiyaha xisbiga Wadani mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi oo khudbad kooban ka jeediyey xafladda isaga oo khudbada badankeeda u dhigtay xaflad lagu qaban doono LONDON 15 January oo lagu soo bandhigayo Buuga Xisbiga Wadani. Balse waxa uu aad ugu dheeraaday in dadka wadankii jooga waliba dhalinyarada oo lagu wacyigeliyo inay is diwaangaliyaan, taas oo uu sheegay in dhalinyaradii ka shakiyeen diwaangelinta, wuxuuna yidhi ha tahribini is diwaangeli si aad wadankaaga uga hesho waxaad u baahan tahay.IMG_4478

Mar uu ka hadlayay arrinta ictiraaf raadinta waxa uu dadka kula kaftay malaha inaad Ingiriis tihiin iskuma haysataan, idinka oo halkan jooga ayaad ka qayb qaadan kartaan ictiraafka Somaliland tusaale ahaan Bristol miyaa laga waayay 1000 saxeex (Petetion) oo loo gudbiyo Parliament-ka UK, waxaanu dadka kula dardaarmay in qadiyada Somaliland meel looga soo wada jeedsado.IMG_4517

Ugu danbayn wuxuu hadalkiisii ku soo gabogabeeyey kelmado ku jiray Gabay madasha laga tiriyey oo ujeedooyin badan xambaarsanaa oo uu tiriyey Abwaan Cawil Yuusuf Daahir “Sidii Keyntu u tashatay aynu tashano oo daabka kala baxno KULMIYE”.IMG_4541

IMG_4457

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ugu danbayntii waxa xaflada shahaahdo sharafyo lagu guddoonsiyey Guddoomiyaha Xisbiga Wadani ee Bristol Cabdi Iidaan, Khasnajiga Wadani ee Bristol Mustafe Mahdi Guuleed iyo Layla Muuse Qulunbe.

Salaanmedia/Bristol

IMG_4438IMG_4442IMG_4443IMG_4445IMG_4448IMG_4449IMG_4462IMG_4472IMG_4475IMG_4477IMG_4478IMG_4485IMG_4491IMG_4494IMG_4498IMG_4499IMG_4503IMG_4512IMG_4514IMG_4515IMG_4519IMG_4520IMG_4521IMG_4522IMG_4523IMG_4526IMG_4527
IMG_4545IMG_4546IMG_4555IMG_4559IMG_4561IMG_4572IMG_4574IMG_4575IMG_4590IMG_4593IMG_4595IMG_4615IMG_4616IMG_4618IMG_4619IMG_4623IMG_4624IMG_4625IMG_4627IMG_4628IMG_4631IMG_4636

News Related