|
|||
Gabileynewsonline.com
Xubno Miisaan Culus ku lahaa Golaha Dhexe ee Xisbiga Wadani laantiisa Jarmalka oo Xilalkii iska Casilay iyo Sababaha Iscasilaadooda.
January 5, 2016 - Written by adminFrankfort (Haldoornews)-Xubno Culculus oo ka mid ahaa Hogaanka Golaha Dhexe ee Xisbiga Wadani laantiisa Jarmalka ayaa iska casilay Xilalkii Golaha dhexe iyo Xubinimadii Xisbiga Wadani laantiisa Wadanka Jarmalka.
Xubnahaasi oo kala ahaa Gudoomiyaha Jaaliyada Habar Awal ee Jarmalka Axmed C/laahi Xasan kana mid ahaa Golaha Dhexe ee Xisbiga, Gudoomiyaha Golaha Dhexe Wadani laantiisa Jarmalka C/raxmaan C/laahi Maxamuud, Xubnahaasi ayaa Warsaxaafadeedyo ay Warbaahinta Somaliland uqaybiyeen uu soo gaadhay nuqul ka mid ah Shabakada Caalamiga ah ee Haldoornews.com waxaanay u dhigeen sidan hoos ku Xusan.
“Aniga oo ah Axmed C/laahi Xassan ahna Gudoomiyaha Jaaliyada Habar ee Jarmalka waxaan Halkan ka Cadaynayaa inaan iska Casilay Xilkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Wadani laantiisa Jarmalka, aniga oo Kalsoonidaydii kala Noqday Xisbiga, Waxaanan ku Sababaynayaa iscasilaadayda Sababo ii Gaar ah awgeed iyo inaan u madax Banaanaado Hawlahayga”
Sidoo kale waxaa isaguna iscasilaadiisa halkan ku sheegay C/raxmaan C/laahi Maxamuud waxaana ka mid ahaa hadaladiisii “Aniga oo ah C/raxmaan C/laahi Maxamuud Gudoomihii Golaha dhexe ee Xisbiga Wadani laantiisa Jarmalka Waxaan iska Casilay Xilka aan ka hayay Xisbigaasi maanta oo ay Taariikhdu tahay 04-01-2016, aniga oo umahadnaqaya Gudoomiyihii Xilkaasi ii magacaabay iyo Hawlwadeenadii Xisbiga laantiisa jarmalka ee aanu muddada Wadashaqaynaynay, aniga oo isku Casilay sababo ii gaar ah, Waxaan idiin rajaynayaa Guul”
Iscasilaada Xubnahan ayaa kusoo beegmaysa Xilli dhaqdhaqaaqyada Xisbiyadu ka Bilaabmeen Gudaha iyo Dibada Dalka Somaliland isla markaana Xisbi waliba isku dayay inuu Hanto Quluubta Shacabka Somaliland iyo Taageerayaalba.
COMMENTS
|
Latest News
|