Gabileynewsonline.com
Xisbiga Wadani Oo Xaalkoodii Noqday In Ay Sawirka Muuse Biixi Jeexjeexaan!!
February 16, 2016 - Written by admin
Ugu  horeyn  waxaan  salaamayaa  bahda  saxaafada  guud  ahaan, gaar  ahaanba, waxaan  ku  salaamayaa  salaamta  islaamka  ee  ah  ”ascw”
 
Ka  dib   waxaan  doonayaa  in  aan  wax  yar  ka  idhaado  socdaalka  gobolada  galbeedka  ee  gudoomiyaha  xisbiga  wadani  ahna  gudoomiyaha  wakiilada,md  cabdi raxmaan cabdillahi  cirro  iyo  ficilada  dhiilada  xanbaarsan  ee  uu  durba  la  soo  baxey  iyadoon  la  is  gaadhinba.
 
Ugu  horeyn  horta   cabdi  raxmaan  cirro  socdaalkiisu  waxaan  odhan  karnaa  waa  mid  qadan  oon  sharciga  waafaqsaneyn, waxaan  sidaasi  u  leeyahey  ninkan  waxa  uu  sheegtaa  in  uu  yahey  hogaamiye  xisbi  walina  ma  ogin  meel  xisbigiisu  inta  uu  ku  shirey  waa  murashaxa  ama  lagu  doortey!   waxaa  hadaba  ayaan  daro  ah  qof  xisbi  sheeganya  oon  isagoon  wali  loo  dooran  murashax  hadan  nin  murashax  ah  daba  socda ama  ku  dayanaaya, waxaan  aynu  odhan  karnaa  meeshu  xisbi  maahan  ee  macnaha  dee  waa  meel  uu  isa  siiyey  mnurashaxnimada  oo  waa  qol  uu  leeyahey,  ummaduna  maahan  in  ay  xisbi  u  aragto  ee  waa  in  loo  arkaa  maqaayad  qof  leeyahey, ninkii  ku  biiraya  waa  xor lakiinse  xisbi  laguma  sheegi  karo nmaadaama  aan  murashaxnimadiisa  cidba  waxba  laga  weydiin.
 
Tan  kale  waxaad  moodaa  in  cirro  iyo  ina  muumin  seed  looga  adkaadey  gobolada  galbeedka, sababta  oo  ah  ilaa hada  maynaan  arag  qaabilaad  buuran, marka  laga  tagi  waayo  caruur     yaryar  oo  dadoodu  hooseyso  oo  la  soo  ururiyey.
 
 
Fadeexada  kale  ee  xisbiga  wadani  ay  boorame  ka  galeen  ayaa  ah  in  ay  caruur  yaryar lacag  siiyaan  ooy  yidhaadaan  sawirka  muuse  biixi  jeexjeexa,  taasina  waxey  cadeyneysaa  kalsoonidaro  iyo  aqoon  laanta  siyaasdeed  ee  heysta  cabdi  raxmaan  cirro.
 
Ugu  danbeyn  waxaan  taageerayaasha  xisbiga  wadani  ugu  baaqi  lahaa  in  aaney  siyaasada  iyo  doorashooyinka  ka  dhigin, tolaayey  iyo  hayaaye,  balse  ay  si  sharaf  leh  umada  uga  dhex  ololeeyaan  ooy  iska  daayaan ,  waxbaa  la  diley  iyo  dagaalo  sokeeye  oo  bari  horey  dhacey  oo  ilaa  hada  ku  ololeynayaan  cabdi  raxmaan  cirro  iyo  taageerayaashiisa  ummada  ay  dib  u  xasuusinayaa  colaado  iyo  waxyaalo  laga  soo  gudbey.
 
ninka  doonaya  in  uu  ummada  cod  ka  helaa  ha  ka  daayo  , waxbaa  la  diley  iyo  waxbaa  la  dilayaa,  colaado  hore  oo dadka  dib  loo  xasuusiyo  balse  waa  in  uu  ummada  ka  iibiyaa  barmaamuj  uu  ku  hogaamin  lahaa.
 
C/raxmaan  cirro  waxa  uu  kaanbeyn  ka  dhigtey  sama  wade  iyo  sheeko  qabyaaldeysan, samaha  maxuu  ula  jeedaa  ma  wax  jirta  cid  xumaan  wada, sow  lama  odhan  karo  waxa  uu  ka  wadaa  muuse  biixi  ayaa  xumaan  wada,  macnaheedu  ma  waxa  weeyey  bari  ayaa  reerkayaga  wax  la  yeeleybaa?   waa  loo  macneysanayaa  same  wadana  maahan  ee  waa  xumaan  wade,  ninka  ceynkaasi  ku  ololayenayaa   dalkan  iyo  dakani  umma  baahan  oo  hadaan  aragnaa  cuqada  iyo  naceybka  qabyaaldeysan  ee  ka  muuqda  ,  markaasi  ummada  somaliland  umma  baahan  nin  cuqdadeysan  oo  waliba  tu  reernimo  heyso  ee  ha  doortaan  qof  aan  cuqdad  iyo  reerkayagaa  bari  wax  la  yeeley.
 
 
Qore.  Tahir  hussein.WADDANi

COMMENTS
Latest News