Published:

Akhri: Warqadii Itoobiya ay Hawda kaga saartay HCTV

war10000WAR QADII HCTV HAWADA LAGAGA SARAY

Warqadii Codsiga ahayd ee Ethopia hawada kaga saartay Tv-ga HCTV oo Turjuman.

Translated Request Letter for Removal of Horn Cable Tv (HCTV) from THaicom5 satellite:

Sumada: xxaddhd/2019/08

Taariikhda: June-15/16

Ku: RR—Media

Thaicom Public Company Limited ( Shirkada Guud ee Thaicom)

Thaicom Satellite Station

63/21, Rattanatibet Road, Northaburi 11000, Thailand

Mudane/Marwo,

Codsi: Codkis ku aadan ka TV-ga Horn Cable Tv (HCTV) in laga saaro hawada ama Satellite ka Thaicom5.
Annaga, Dawlad deggaanka Soomalida Itoobiya, aanu halkan si cad uga ashkatoonaynaa THAICOMS Satellite Muuqbaahiyaha HORN CABLE TV kaasi oo aad hawadiina ku shaqeeya una sahasheen in uun si habsami ah u hirgalo in uu ka dhex shaqeeyo dawlad taag daran oo iskeed isku magacowday oo loogu yeedho Somaliland, taas oo aan haysan sharciyada ama ruqsada warbaahineed. Waxaanu si adag idiinka codsanaynaa inaad si deg-deg ah hawada uga saartaan satelliteka ThAICOM5 TV-gan HCTV oo ka uga soo  waramay una soo tebiyay si aan haboonayn oo ka madhan xirfadda war-bixinta rasmiga ahayd ee Dawlad degaanka Soomalida Itoobiya. Xirfad xumadan saxaafadeed, oo ku salaysan nacayb, gacan ka hadal, iyo saxaafad caddayn waxay keeni kartaa deganaanshiyo la’aan soo waajahda Gobolka, waxayna ku dambayn doontaa XASUUQ- sidii dhacdadii ka dhacday Rwanda, hadaan deg-deg wax looga qaban. Waxaanan halkan idiinku so lifaaqnay Muuqaalkii. (Video clips) Dhinacayagu, waanu u gudbinay walaacayaga dawladda federaalka ee Soomaliya.

Hay’ad warbaahineed ahaan, Horn Cable Tv inuu ku jiro satellitekiina, waa in uu ka shaqeeyaa dhammaan danaha iyo badhaadhaha bulshada oo dhan, waa in u karti u leeyahay inuu gaadho oo uu saameeya badiba bulshada inteeda badan kuna habaa war lagu kalsoonaan karo oo uu la wadaagayo macaamiishiisha daawata.

Waanu hubnaa in aydun qaadaysaan talaabo deg-deg ah oo laga qaadayo Horn Cable Tv kana qaadi doonto THAICOM5 Satellite, si ay u ilaashato sumcadeeda iyo karaamadeeda warbaahinta ee mustaqbalkeeda dambe.

Best Regards,

Eng. Edris Ismael Abdi

(Xafiiska Isku Xidhka Arimaha Dawlada,Dhaqanka iyo Dalxiiska ee dawlad degaanka Itoobiya)

News Related