Published:

Frankfort (GNO)-Taaaaladii aryan kurdi (frankfurt) oo ay weerareen kooxaha garabka midig ee fog

Taaaladii loo sameeyey wiilkii kurdiga ahaa ee reer suuriya kuna dhintay badda u dhaxaysa giriiga iyo turkiga sanadkii hore xilli isaga iyo qoyskiisuba ay isku dayayeen inay soo gaadhaan yurub halkaas ay ku nafwaayeen labdiisa waalid iyo qoyskiisa intii kaleba.

Hadaba waxa jirtay horaantii sanadkan in laba nin oo farshaxano ah una dhashay magaaladda frankfurt ee dalkan jarmalka ay sameeyeen taalo lagu xusuusto wiilkaas yar iyagoo ku sameeyey daafta ama dhinaca wabiga mara magaaladda frankfurt iyagoo uga gol-lahaa in arinta qoxootiga ay gaadhsiiyaan bulshadda jarmalka iyo caalamkaba balse arintaasi waxaanay farxad galin qaar ka midda taageeryaasha ururadda kasoo horjeeda qoxootiga kuwaasoo markiiba bilaabay qoraalo ay ku diidanyihiin markii dambana la tirtiray.

News Related