Published:

  • Amb.Cawil iyo Prof Samatar waa laba nin oo waayeel ah. Odayga hore
    waxa uu hirdiyey sida madaxweynaheenna xilligii nasiimada, Odayga
    kale na halkaas waa uu ku sii siqayaa.
    Taasi dhalliil ma aha oo waa meerto iyo marxalad nololeed oo uu
    aadmigu muto. Wax se dhalliil ah in aynu ku dhalliilno dhalliil aynu
    leenahay. Waa runta in ay odayaashu buuxinayaan meelo aynu innagu
    buuxintooda ka baaqannay ama aynu ka gaabinnay.
    facyaashii da’yarta iyo da’dhexaaddeenna waxa ka soo hadhay dhalliil
    ku ah “baag madow iyo nabar aan dawo lahayn”. Xilal iyo waajibaad-
    gudashooyin ay iyagu lahaayeen oo ay hanan waayeen ayay
    baylahdooda ku eedeeyaan habeen iyo dharaar cid ay ahayd in ay iyagu
    nasiyaan.
    Xoogga muruqeed iyo awoodda maskaxeed ee qofka aadmiga ahi waxa
    ay ugu manaafaad badan yihiin oo ay faraqyada ugu dhaadheer
    bixiyaan inta u dhaxaysa gu’tirsiyada 40aad – 60aad, weliba inta u
    dhaxaysa labada tobanle ee 40 iyo 60, soddonaadkuna waa kaabe
    culus.
    Wixii sannadka 30-jirka ka horreeyaa waa xoog iyo maan taagada
    meerta nololeed soo fananaya oo ama isu diyaarinaya ama markaas
    uun qabtay xil-hanashooyin iyo waajib-gudashooyin bilow ah. Wixii
    gu’yaashaas ka dambeeyaana waa ka sii daaddeg taagadaas oo u sii
    janjeedhsamaya dhinaca nasashada iyo mus-dambeednimada talada
    iyo tusmada.
    Somaliland oo kale oo ah dal hawl badan iyo saacado badan oo la
    shaqeeyo u baahan, waxa uu dad wax dhalliila uun oo aan wax qabad
    iyo qorshe kale lahayn uga baahi badan halkii laga lahaa ‘hadal yar iyo
    hawl badan’.
  • Dhallinyarow iyo da’dhexaadeey aynu dib isugu noqonno oo kadalloobsi
    innagu isugu qiimayno, inta aynaan cid kale kambadhuudhsi ugu
    qiimayn.
    Waxa aan is leeyahay dhalliisha badankeeda, inteeda togan, innagaa
    leh. Waa inteenna 20-jirku u yar yahay, 60-jirkana aan gaadhin.
    Waayo, xil iyo waajibaad aynu lahayn ayaynu baylahdooda ku
    dhalliilnaa, kuna xagxagannaa cid daleel ka heshay oo laga riixan kari
    waayey.
    Waa cuyuban faraqa ina haysata in aynu laba daran mid ahaanno:
    inteennaas dhalliisha aan dhismuhu la socon ku indha beeshay iyo in
    rahmanaata oo hadba halkii hogoshu ka minjo laallaadiso caloosha ula
    doogsin raacda.
    Odayaasha iyo waayeelkeenna, aynu ku biirrinno qorshe iyo hindisayaal
    mustaqbalka wax ugu fillaan kara dal iyo dadba oo sidaas innagu gadh-
    jiidayaal u noqonno, waynnu kari karnaaye, halka aynu ka ag
    cataabayno caalwaa’ ahaan!
    Waa taas halka aynu gaashada ku wada leennahay ee aynu ku wada
    dhalliinnahay.
    Qalinkii Maxamed Baashe X Xasa

News Related